Xog: Farmaajo iyo Kheyre oo qaab casriyeysan u rogaya isku shaandheyntii la filaayay

Muqdisho (Caasimada  Online) – Waxaa sii kordhaaya Khilaaf Siyaasadeedka u dhexeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Kheyre oo dhinac ah iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumada Somalia oo saf ah.

Khilaafka sii kordhaaya ayaa la xaqiijiyay inuu salka ku hayo sharci ka weecasho iyo in Wasiirada qaar aysan u diyaarsaneyn hanaanka gudashada waajibaadkooda shaqo.

Kororka Khilaafka dhinacyadan aan kala maarmin ayaa meesha ka saari doono qorshihii la hadal hayay ee ahaa isku shaandheynta Xukuumada Somalia.

Isku shaandheynta ayaa waxaa looga maarmi doonaa in Seddexdii Wasiirba mar lagu sameeyo Xil ka qaadis, halka Wasiirada kale loo maareyn doono qaabab kale.

Xukuumadihii hore ayaa sanadkiiba mar ama laba mar sameyn jiray isku shaandheyn lagu sifeyn jiray Wasiirada meylka adag ee inta badan kasoo horjeesta qorshooyinka Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha.

Xogo aan heleyno ayaa sheegaya in kahor inta aan la gaarin bisha labaad ee fooda nagu soo heysa in la kala sifeyn doono Wasiirada Xukuumada Somalia iyo mas’uuliyiin dhowr ah oo aan iminka Siyaasad ahaan la jaanqaadin dowlada Federaalka ee hadda jirta.

Ma cadda sida uu ku dhaqan gali doono Siyaasada cusub ee Dowlada Madaxweyne Farmaajo kaga dheereyneyso dowladihii hore, waxaana muuqaneysa in shaqsiyaadka bixi doona ay yihiin kuwo Siyaasad ahaan ku dhow dhow mucaaradka dowlada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com