Qarax geystay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay magaalada Mandhera (Warbixin)

Nairobi (Caasimada Online)-Qarax xoogan oo khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh ayaa ayaa waxa uu ka dhacay Degmada Mandheera.

Qaraxa ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay ilaa Seddex  Carruur ah, halka ay ku dhaawacmeen laba kale oo midi uu yahay ruux weyn.

Qaraxa ayaa ka dhacay Tuulo lagu magacaabo Eymoole oo ka tirsan deegaanka Takaba ee Degmada Mandheera, kaa oo ka dhashay miino ay ku dheelayeen carruurta.

Ciidamo ka tirsan maamulka Degmada Mandheera oo ku baxay goobta Qaraxa ayaa halkaa ka qaaday dhaawaca iyo meydadka waxa ayna dhigeen xarunta caafimaadka Takaba.

Sarkaalka hogaaminaayay ciidamada oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegay in Qaraxa uu ahaa Miino ay carruurtaasi kasoo qaadeen meel wadada dhinaceeda ah, islamarkaana ay ku qaraxday.

Dhacdadaani ayaa kusoo beegmeysa xili muddo dhowr jeer ah uu maamulka ka digay in carruurta ay ku cayaaran miinooyinka iyo waxyaabaha aan la garaneynin ee yaala goobaha aan deegaanka dadka ku badneyn.

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

Caasimada@live.com