Xog: Afar Amar oo Ra’iisal Wasaare Kheyre u qorsheeyay Xil ka qaadista Guddoomiye Thaabit oo fuli waayey

Muqdisho (Caasimadda Online) – 24-kii saac ee lasoo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho ka socday olole ku saabsan xil ka qaadista Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, kaasoo uu hoggaaminayey Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya.

Tallaabooyinka uu qaaday Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa lagu tilmaamay inay u dhigmaan inqilaab lagu go’doominayo Guddoomiyaha Gobolka Banadir, si loogu cadaadiyo in xilka laga qaado, iyadoo loo maray qaab aan sharci ahayn, loona adeegsaday mid ka mida guddoomiye ku xigeenada G/Banaadir.

Haddaba xog ururin aanu sameynay ayaan ku ogaanay shan tallaabo uu qaaday xalay iyo maanta Ra’iisal wasaare Kheyre, kuwaasoo uu ka badbaaday Guddoomiye Thaabit Cabdi Maxamed.

Tallaabooyinkaasi waxay kala yihiin:

1- Inuu Wasiirka Arrimaha Gudaha ka dalbaday soo jeedin xil ka qaadista Guddoomiyaha Gobolka Banaadir (Wasiirka oo diiday arrintaasi- AKHRISO.

3- Inuu ciidamada NISA iyo kuwa ammaanka ku amray inay xiraan wadooyinka caasimadda kana hortagaan bannaabaxyo laga cabsi qabay in lagu taageero guddoomiya Taabit.

3- Inuu guddoomiye ku xigeenka G/banaadir ee Amniga iyo siyaasadda Saalax Sheekh Maxamad [oo ay isku jufo yihiin] u adeegsaday arrimo faragelin ah inuu ka sameeyo maamulka Gobolka Banaadir.

4- Guddoomiye ku xigeenka G/Banaadir oo amarka Kheyre ku dalbaday in la xiro koontada Gobolka Banaadir ee Bankiga Dhexe, taasoo uu ku fashilmay, wuxuu mar kale ka dalbaday khasnajiga gobolka inuusan bixin karin wax kharash ah, taasoo iyadana socon weysay.

Arrimahan oo dhan waxay dhacayaan iyadoo xil ka qaadista Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu awoodeeda leeyahay Madaxweynaha oo xilligan safar ku maqan, basle ay muuqato in Ra’iisal wasaaraha ay ka go’neyd tahay inuu arrinta Taabit ku soo gabagabeeyo muddo 24 saacadood ah, taasoo hadda sii cakirantay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com