Gaari hub siday oo lagu qabtay Burco xili xiisad xooggan u dhaxeyso Puntland iyo Somaliland

Burco (Caasimada Online)-Ciidamada Maamulka Soomaaliland ayaa kadib howlgal ay sameeyeen wax ay gacanta ku dhigeen gaari siday hub xili uu marayay deegaano hoostaga magaalada Burco ee Gobolka Togdheer.

Maamulka Gobolka Togdheer ayaa xaiijiyay qabashada gaarigaas iyaga oo sheegay in haatan ay ku hayaan Saldhigga Magaalada Burco baaritaanana lagu sameynayo.

Gudoomiyaha gobolka Togdheer ee Maamulka Soomaaliland Maxamuud Cali Saleemaan ayaa sheegay in Gaarigaas hubka siday iyo Raggii watay oo la yaqaano ay Gacanta ku hayaan isla markaana markii uu baaritaanka ku dhamaado ay Maxkamad horgeyn doonaan.

Sikastaba qabashada Gaariga hubka siday e Gobolka Togdheer ayaa ku soo aadaya xili Deegaano ka mid Gobolka Sool ay ka jirto xiisad dagaal oo u dhaxeysa Maamulka Soomaaliland iyo Puntland lagana casbiqabo in uu dagaal ka dhaco deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

Caasimada Online
Xafiiska Burco
Caasimada@live.com