Xog: Villa Somalia oo gacan ku yeelaneysa xulista gudoomiyayaasha cusub ee degmooyinka

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa qorshaha la doonayo in lagu soo magacaabo Guddoomiyayaasha cusub ee Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Wararku waxa ay sheegayaanin Guddoomiyayaasha lasoo magacaabi doono intooda badan ay ku imaan doonaan xulis ay sameyn doonto Villa Somalia.

Sida uu qorshuhu yahay Villa Somalia ayaa qaadan doonta inta ugu badan xulista Guddoomiyayaasha la magacaabayo oo iminkaba lagu diyaarinaayo Xafiiska Ra’isul wasaare Kheyre.

Waxa ay xogtu sheegeysaa in Guddoomiyayaasha cusub ee imaan doona ay noqon doonaan xubnaha ka qeybqaatay ololaha Madaxweyne Farmaajo ee aan weli helin shaqooyinka muhiimka ah.

Ilaa iyo Seddex Guddoomiye Degmo ayaa la xaqiijiyay inay ka imaan doonaan Xarunta Villa Somalia kuwaa oo lagu buuxinaayo liiska Guddoomiyayaasha cusub ee iminka la diyaarinaayo.

Talaabadani ayaa lagu doonayaa in Kuraasta dowlada intooda badan lagu buuxiyo shaqsiyaad aan dhibaato ku aheyn dowlada Somalia, isla markaana ka shaqeynaaya maslaxada dowlada la magacbaxday ‘’Nabad iyo Nolol’’

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha dalka ayaa qudhooda isla soo qaaday shaqsiyaadka lagu bedeli doono Guddoomiyayaasha hadda sii haya xilalka, waxaana soo baxday in meesha laga saaro maamulkii uu Hogaaminaayay Taabit, isla markaana la aasaaso maamul cusub oo la jaanqaadikara dowlada ‘’Nabad iyo Nolol’’

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com