Gacmihii Nelson Mandela oo 10 milyan oo dollar lagu iibsaday

Gacmo dahab ah lagana sameeyey gacmaha madaxweynihii ugu horreeyey ee madoow ah ee ay yeelato South Africa Nelson Mandela ayaa waxaa lagu iibiyey adduun lacageed dhan 10 milyan oo dollarka Mareykanka ah oo u dhiganta 7 milyan oo ginni, suuqa bitcoin-ka ayaana lagu iibsaday.

Shirkadda Arbitrade ee fadhigeedu yahay dalka Canada ayaa afar gacmood oo dahab ah lagana min-guuriyey gacmihii Nelson Mandela ka iibsatay ganacsadaha reer South African Malcolm Duncan.

Shirkadda Arbitrade ayaa daaha ka qaaday inay dooneyso inay sameyso barnaamij dunida oo dhan lagu baahin doono loona bixiyey ‘Golden Hands of Nelson Mandela’ kaasoo dhallinyarada lagu bari doono noloshii geesinimo ee halyeeyga Africa.

Waa markii ugu horreysay ee agab farshaxan ah oo laga sameeyey jirka Mr Mandela la iibiyo.

Waxaa xusid mudan in Mr Mandela uu 27 sanno oo xabsi ah ku muteystay dagaalkii uu la galay Caddaankii xukumayey South Africa. Ka dibna 1990kii ayaa xabsiga laga soo daayey, wuxuuna ahaa madaxweynaha Koonfur Africa laga bilaabo 1994 illaa 1999kii.

Mandela ayaa geeriyooday sannadkii 2013kii isagoo 95 sanno jir ah.