Xeerdejin & Xisaabinta Xukuumadda

By Saalax Saciid Sabriye

Shaqada Baarlamaanku waxa ay u qaybsantaa laba howlood oo waaweyn, tan hore waa shaqada xeerdejinta (Legislation) taas oo macnaheedu yahay in Baarlamaanku uu keligii la gaar yahay shaqada xeerdejinta, wax ka beddelidda xeerarka dowladda iyo Baabi’intoodaba.

Howsha labaad ee Baarlamaanku waa la xisaabtanka iyo korjoogteynta howlgalka hay’adaha dowladda sida xukuumadda, tanina waxa ay ka dhigan tahay in Baarlamaanku maaddaama uu metelayo dadweynaha uu leeyahay awoodda jiheynta iyo xisaabinta laanta fulinta ee dowladda, sidaas awgeed dastuurka kmg ah ee la ansixiyey Agoosto-2012; waxa uu qodobkiisa 69aad; faracyada 1aad iyo 2aad; ku xusay labadaas shaqo ee waaweyn ee Baarlamaanku u xilsaaran yahay.

Dowladihii dhismay kaddib kacaankii  Faransiiska ee qarnigii 16aad; waxa ay sameysteen golayaal xeerdejin oo dalalkooda u sameeya hadba xeerarka ay u baahdaan si ay dowladnimada iyo ismaamul wanaaggu u hormaraan.

Dhammaadka qarnigi 19aad;  Soomaaliya waxa ay gacanta u gashay waddamada reer galbeedka, kuwaas oo ay ugu horreeyeen Talyaaniga iyo Ingiriisku, gobolada Waqooyiga (Somaliland) Waxa qabsaday Ingiriiska, halka Koofurtana ay ku jirtay xukunka isticmaarka Talyaaniga.

Shareecada Islaamka iyo xeer Soomaaliga ayaa ahaa ilaha waawyn ee xeerarka ay dadka Soomaaliyeed isku maamulayeen, balse imaanshaha dowladaha shisheeye ayaa billaabay in qaar kamid ah xeerarkii waddamadooda looga dhaqmo labada gobol.

1950; Koofurta Soomaaliya waxaa mar kale qabsaday Talyaaniga oo xilligaas Wakiil ka ahaa QM, waajibka Talyaanigu waxa uu ahaa in uu muddo 10; sano gudaheed ah uu ku gaarsiiyo Koofurta Soomaaliya madaxbannaani hugan biseyl siyaasadeed iyo mid aqooneed oo ay isku maamusho kaddib madaxbannaanida, maamulkii talyaaniga ee howshaas loo xilsaaray waxa lagu magacaabi jirayAmministrazione Fidicuaira Italiana della Somalia (AFIS).

1951-1955; waxaa koofurta Soomaaliya ka dhismay 5; gole oo midkiiba howgeli jiray hal sano, waxa looyiqiin Golaha deegaanada (Consiglio Territoriale)

1956-dii waxaa koofurta Soomaaliya ka dhacay doorashadii siyaasadeed ee ugu horreysay, waxaana lagu soo doortay golaha xeerdejinta, sidaas oo kale Waqooyiga Soomaaliya waxa ka dhacay doorasho siyaasadeed oo horseedday dhismaha gole xeerdejin, kaddibna labadaas gole ayaa isku biiray July-1960; wadajirkoodu waxa uu ahaa 123; xildhibaan (90; koofurta iyo 33; Waqooyiga) isku biiridda labadaas Baarlamaan ayaa saldhig u ahaa dhalashada jamhuuriyadda Soomaaliya iyo golaha shacabka ee maanta jira.

58; sano kaddib waxa muuqata in xukuumadda Raisalwasaare Xasan Cali Kheyre; ay qaadeyso tallaabo qalqal iyo kala daadasho gelineysa golaha shacabka oo u taagan metelaadda dadweynaha, iyada oo ka shidaal qaadaneysa isku milanka xubnaha labada hay’adood ee Baarlamaanka iyo  fulinta iyo kala-saarid la’aanta awoodaha.

14-March-2018; Xildhibaano ay ku jiraan kuwo ka wada-tirsan Goleyaasha shacabka iyo xukuumadda ayaa gudbiyey mooshin ka dhan ah guddoomiyaha golaha shacab Maxamed Cismaan Jawaari,

Sidii uu Mooshinkasi u yimid waxa dhashay muran iyo kala shaki soo kala dhexgalay xubnaha golaha shacabka qudhooda,  guddoomiyaha golaha shacabka ayaa ku eedeeyey xukuumadda Raisalwasaare  Kheyre in ay ka dambeyso mooshinka, isaga uu u jeediyey xildhibaanada golaha shacabka in ay muujiyaan wadajir, taas oo tusaale ahayd in ay jiraan xildhibaano laba xil isku haya oo dadaal ku bixinaya sidii ay u sii hayn lahaayeen labadaas xil.

Haragaaga Qarax ka dhacay isgoyska Sayidka, meel u dhow wasaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda Soomalaiya

Waxa dhacay 5; qarax, oo ay ku dhinteen inta ay xaqiijisay wasaaradda Amaanku 24; muwaadin, kuna  dhaawacmeen 13; kale, hantida ku baaba’day  aan illaa hadda la tira koobin.

Haraaga qarax ka dhacay Ka soo horjeedka Hotelka Weheliye, Muqdisho, 23_Marh-20183

 

Aragtida Kalasaaridda Awoodaha

Mabda’a kala saaridda awoodadaha (Separation of Powers), waxa loola jeeda in dad kala madax bannaan  kalana duwan ay maamulaan saddexda laamood ee dowladda,(Xeerdejinta, Fulinta & Garsoorka),  waana in aan hal qof kawada tirsanaan laba laamood oo kamid ah kuwa dowladda sida in xildhibaan noqdo wasiir, kaddibna uu isku dayo in awooddiisa xeerdejinta u adeegsado si uu u illaasho xilkiisa wasiirnimo, haddii ay taasi dhacdo sida ay hadda u dhisan tahay xukuumadda federaalka Soomaaliya, waxaa ka dhalan karta in xubnaha kuwada jira xeerdejinta iyo xukuumaddu ay six un u adeegsadaan awoodahaas waaweyn ee ay wada-hayaan.

Kalsooni la’aanta & kala shakiga xubnaha golasha shacabka

Sida muuqata golaha shacabku waxa uu u qaybsamay xubno taageersan Mooshinka oo ay xukuumadda ka rajeynaya in haddii uu guuleysto Mooshinku haysta Ballan qaad xi lama xoolo iyo xubno ka horjeeda Mooshinka oo ay suuragal tahay in ay isugu jiraan kuwo difaacaya danguud iyo kuwo uga jeeda dan gaar ahaaneed ka horjeesiga Mooshinka, intaas oo ku filan in aqalka golaha shacabku taagdarreeyo  kaddibna ay xukuumaddu noqoto xeerdejin iyo fulin taas oo ah dhaqanka xukuumada ku dhisma xoogga iyo afgenbiga.

Waxaa soo baxay cabsi ku saabsan dhexdhexaadnimada guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka Cweli Muuddeey, taasna waxa muujiyey sida uu guddoomiye Muuddeey u maareeyey xilliga qabashada Mooshinka, hadal-jeedintiisa iyo sida fudud ee uu u qaatay keligii go’aano iyo talo kala dhexeysay guddoonka golaha shacabka, eed caynkaas ah waxaa u jeediyey guddoomiye Muuddeey xildhibaano ka tirsan golasha shacabka.

Madaxbannaanida dhismaha golaha shacabka ayaa iyadana waxa ka taagan cabasho kale, taasna waxa muujiyey guddoomiyaha mooshinku ka yaal iyo xubno ka tirsan Baarlamaanka, taasina waxa ay sababtay in guddoomiye Jawaari dalbado in meel dhexdhexaad ah lagu qabto codeynta mooshinka kalsooni kalanoqoshada guddoomiyaha golaha shacabka.

Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa dalbaday in ciidamo ka tirsan kuwa howlgalka midowga Afrika la geeyo xarunta aqalka sare si ay uga qyabqaataan sugidda nabadgelyada aqalkaas, waxa suuragal ah in fargelinta xukuumadda ee Baarlamanaku ay sabab u tahay mashaakilkaas oo dhan.

Xeer-hoosaadka golaha shacabka ayaa qaba in goluhu oo ku qabsan karo shirarkiisa meel ka baxsan dhismaha golasha, haddii ay timaaddo duruurf keeni karta in loo baahdo in shirarka iyo fadhiyada golaha shacabku ka dhacaan meel ka baxsan aqalka golaha shacabka.

Soo jeedin

Shaqada iyo xilka xukuumadda saaran waxa kamid ah nabadeynta Caasimadda iyo hagaajinta kaabayaasha dhaqaalaha, sidaas awgeed xukuumaddu Raisalwasaare Kheyre waxa ay u baahan tahay in aanay ku mashquulin waqti badanna aanay gelin sidii ay u sii jiri lahayd, taasi waxa ay u taal cidda qiimeyneysa oo qudhooda looga baahan yahay muujinta mas’uuliyad, mashaakilka dhacay muddadada sanadka ah ee xukuumaddu jirto waxa ay xukuumadda ugu filan yihiin culeys, sidaas awgeed haddii ay ku fakareyso in ay xoog iyo xoolo geliso jiritaankeeda waa in ay ku talagasho in aanay hayn howshii loo siiyey codka kalsoonida sidsaas awgeed ciddii ku siisay kalsoonidu waa in ay kaala noqon karto marka aad lumiso wixii kalsoonida lagu siiyey.

WQ: Axmed Ciise Guutaale

Dersa Sharciga & Qaanuunka