Dalxa “Jawaari waxa uu kulamadiisa ku buuxsadaa xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare”

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ay weli ka socdaan kulamo iska soo horjeeda oo u dhexeeya garabka taabacsan Guddoomiye Jawaari iyo garabka Mooshinka ayaa waxaa soo baxaaya dhaliilo ay jeedinayaan Xildhibaanada Mooshinka kawada Jawaari.

Xildhibaanada Mooshinka wada ayaa sheegay in Guddoomiye Jawaari uu iska horgeynaayo baarlamaanka Somalia iyo Aqalka sare.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa, ayaa sheegay in Guddoomiye Jawaari uu maraayo heer kulamada uu ku qabsanaayo Xarunta Villa Hargeysa uu ku buuxsado Xildhibaano ka tirsan Golaha Aqalka Sare.

Xildhibaan Dalxa, ayaa sheegay in Jawaari uusan heysan Xildhibaano ku filan, sidaa aawgeed uu bilaabay in shirarka uu kawado Xarunta Villa Hargeysa ku buuxsado xubno ka tirsan Aqalka Sare.

Waxa uu Dalxa sheegay in dhammaan shirarka uu qabtay Jawaari ay ka soo dhex muuqdeen Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare ee dalka, taasina ay muujinayso sida ay u socoto fowdada sharci la’aanta ah.

Waxaa uu sheegay in Dastuurka dalka lagu xadgudbayo islamarkaana ay taas keeni karto in Booliska iyo Taraafikada oo isku milma sidaas darteedna loo baahan yahay in laga waantoobo.

Dhinaca kale, Aqalka Sare ayuu sheegay in uu leeyahay xeerar u gaar ah waxaana uu ku tilmaamay faragelinta lagu haayo golaha shacabka inay tahay xadgudub wayn.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com