Sawirro: Tartan Marathon oo Muqdisho ka dhacay iyo Cabdi Bile Cabdi oo goob joog ka ahaa

Muqdisho (Caasimada Online)– Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay tartanka maalinta horumarinta ciyaaraha adduunka ee orodka gaaban, kaasoo loogu magac daray Muqdishu Mini Marathone.

Tartanka ayaa waxaa ka qayb galayay 370 orod yahan oo ka kala socda 17-ka demo ee gobolka Banaadir, iyadoo degmo waliba laga soo xulay 22 Ciyaartooy oo u badan kuwo da’ yar ah.

Tartanka oo kasoo billaawday Aargada KM 4 laguna soo gabagabeeyay KM O, ayaa waxaa kasoo qayb galay Wasiiradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Khadiija Maxamed Diiriye, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisoow) , Guddoomiyaha sportiga Gobolka Banaadir Xasan Xaaji Yabaroow iyo masuuliyiin kale.

Maalinta caalamaiga ah ee horumarinta Sportiga Adduunka, ahna Maalinta Orodka gaaban ee Muqdisho 6-da April ayaa waxaa sidoo kale kasoo qayb galay quburo ku xeel dheer Orodka uu ka mid ahaa halyeey Cabdi Bile Cabdi iyo tababarayaal kale oo Taariikh ku leh dalka Soomaaliya.

Orodka oo ahaa mid xiisa gaar ah leh ayaa waxaa kaalinta koobaad ka galay Xasan Iidoow Xasan oo ka tirsan Ciyaartooyda xulka Qaranka Horseed, halka kaalinta Labaadna uu galay C/salaan Maxamed.

Halyeey Cabdi Bile Cabdi oo ka mid ahaa martidii ka qeybgashay tartankaasi ayaa aad ugu dheeraaday Taariikhda Marathone-ka Soomaaliya, doorkii uu kasoo qaatay, wuxuuna ammaanay niyadda ay u hayaan Dhallinta cusub inay ka mid noqdaan Orod yahannada Caalamka, kuwaasoo sida uu sheegay u haya Orodka niyad iyo han fiican, wuxuuna ugu mahad celiyay waalidkii u oggolaaday iyo Macallimiintii ku soo barbaarisay.

Ugu dambayntii waxaa halkaas Billado isugu jira Dahab, Qalin iyo Maar lagu kala guddoonsiiyay Saddexdii Orod yahan ee kaalimaha hore ka galay tartanka, waxaana Billadda Dahabka hantiyay Cali Iidoow Xasan oo 19 jir ah una dheela xulka Qaranka Horseed halka kaalinta Labaadna uu galay C/Salaan Maxamed.