Faahfaahin ku saabsan qaraxii Muqdisho ka dhacay iyo mid kaloo xooggan oo isna daqiiqado ka hor dhacay

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Ismiidaamin ah oo duhurnimadii maanta ka dhacay Koontoroolka ay Ciidamo ka tirsan kuwa Nabadsugida Soomaliya ku leeyihiin wadada aada Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magalada Muqdisho.

Qaraxaan ayaa ahaa mid laga soo buuxiyey Gaari nooca Soomaalidu u taqaano NOAH waxana la sheegay in Darawalka Gaariga uu iskudayay in uu xoog ku maro koontoroolkaas basle ay Ciidamadu rasaaseeyeen taas oo keentay in uu qarxo.

Wararka KNN ay heleyso ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay Bar koontarool oo ciidamo ka tirsan NISA ay leeyihiin wada aada Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, isla markaana ay ku baaraan Gaadiidka aada Garoonka.

Qaraxa ayaa waxaa loo adeegsaday Gaari wax yaabaha Qarxa laga soo buuxiyay sida wararka qaar ay tilmaamayaan, Qiic iyo uuro ayaa cirka isku shareeray oo meelo fog fog la arkayay.

Qaraxaan ayaa ku soo aadaya Saacado uun kadib markii Wadooyinka Muqdisho la furay oo Maanta loo xiray Tartanka orodka gaaban ee Muqdisho lagu qabtay,kas oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya.

Dad la hadlay Idaacada Kulmiye waxay sheegeyn in kharaaso uu ka dhashay Qaraxaasi laakiin aysan caddeyn Karin inta uu la egyahay khasaaraha.

Inta la xaqiijiyey waxaa ku dhinta qofkii waday gaariga sidoo kalana waxaa ku dhaawacmay seddex kamid ah askartii gaariga baareysay.

Sidoo kale waxaa daqiiqad ka hor Muqdisho ka dhacay qarax xooggaan, iyadoo la sheegay inuu ka dhacay xarun ay ciidamada dowladda ku baaraan gaadiidka oo ku yaalo agagaarka Seybiyaano.

Waxaa meesha yaalay baabuur badan waxaana lasoo sheegayaa inuu qaraxaas geystay khasaaro aad u badan sida ay noo xaqiijiyeen dad ku sugan halkaas