Muqdisho: Qaraxii labaad oo geystay Khasaaro iyo faahfaahin ku saabsan

By Saalax Saciid Sabriye

Muqdisho (Caasimadda Online) – Magaalada Muqdisho ayaa daqiiqado ka hor marti gelisay qarax labaad oo xoggan oo lala eegtay Jagboonti ay ciidamada dowladda ku baaraan Gawaarida.

Meesha la qarxiyey oo saldhig u ah ciidamada Xasilinta Muqdisho ayaa ku taal meel aan sidaas uga fogeyn Sarta Seebiyaano.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxaa uu ahaa mid gaari loo adeegsaday,isla markaana xili ay ciidamada baaritaano ka wadeen Koontoroolkaas uu qarxay.

Gaarigaan is qarxiyay ayaa la sheegay inta uusan qarxin ka hor in ay ka shikiyeen ciidamo ku sugnay Barkoontarool oo ka ag dhow Isgoyska Banaadir, dadkana ay ugu digeen in laga ag dhawaada gaarigaasi, ciidamada ayaa furay rasaas ay ku kala ceyrinayeen dadka shacabka ah.

Gaadiidka gargaarka deg dega ah  iyo dad shacab ah ayaa ku sii qulqulaya goobta uu qaraxa ka dhacay si ay ugu gur madaan dadka wax yeelada soo gaartay.

Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale goobta gaaray, aygoo hakad giliyay isku socodka dadka iyo Gaadiidka.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhashay khasaaro xoog leh oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah iyo Askar halkaasi ka ag dhawaa.

Warar kale oo aan la hubin ayaa sheegayo inay is rasaaseyn dhex martay ciidamad dowladda iyo koox la sheegay inay gaariga saarneyn inkastoo aan warkaas la xaqiijin karin.

Daqiiqado ka hor ayaa qarax kale wuxuu ka dhacay wadda aada Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde halkaas oo qof Gaari watay is qarxiay Bar koontarool oo fadhiisimo u aheed ciidamada NISA oo ay ku baaraan Gaadiidka aada Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Waxaa jiro Khasaaro soo gaaray ciidamadii halkaas ku sugnaa iyo dad shacab ah oo saarnaa Baabuur iyo bajaajyo ku jiray feelka baaritaanka.

Ilaa hadda si rasmi ah looma ogaan khasaaraha ka dhashay qaraxaan, waxaana meesha ay wax ka dhaceyn isku gadaamay ciidamo boolis ah oo ka tirsan dowladda, sidoo kalana waxaa meesha gaaray gawaarida gargaarka deg deg ah.

Waa qaraxii labaad oo Muqdisho ka dhacay Maanta, waxayna labadaba ka siman yihiin in lala beegsaday saldhigyada ay ciidamada dowladda ku baaraan baabuurta, iyadoo arrintaan ay noqoneyso cabsi cusub oo usoo hoyatay dadweynaha Muqdisho.