Gaas oo garoonka diyaaraddaha Qardho ku magacaabay xubin ka mid ahaa aas-aasayaashii Puntland iyo Jabhadii SSDF

Qardho (Caasimada Online)– Madaxweynaha maamulka Puntland, C/weli Cali Gaas ayaa garoonka diyaaradaha magaalada Qardho wuxuu ugu magac-daray, marxuun Abshir Muuse Siciid oo ka mid ahaa xubnihii sare ee jabhaddii SSDF.

C/weli Gaas ayaa hadalkaan ka sheegay saakay aas magaalada Qardho loogu sameeyay marxuum Abshir Muuse Saciid oo ku geeriyooday dalka UK. wuxuuna Mr. Gaas ammaanay kaalintii marxuumku ka soo qaatay dhidiba u tanga maamulka Puntland, wuxuuna halkaasi ka sheegay in garoonka diyaaradaha qardho loogu magac-daray.

Marxuun Abshir Muuse ayaa maareeye ka soo noqday,wakaaladdii hore ee xooga korontada Soomaaliya ee (ENEE), sidoo kale waxaa lagu xasuustaa in uu kamid ahaa hoggaamiyaashii sare ee jabhaddii(SSDF).

Dhinaca kale wuxuu kamid ahaa dadkii as’aaska u dhigay dowladda Puntland sannadkii 1998,isagoo guddoomiye ka soo noqday hay’adda biyaha Puntland ee (PASAWEN).