Taabit Cabdi oo ka hadlay dagaalada, qaraxyada iyo wadooyinka xiran ee Muqdisho

Duqii hore ee Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay dagaalo shaar qabiil huwan oo shalay iyo xalay ka dhacay Muqdisho, wuxuu tilmaamay iney tahay nasiib daro weyn in 2018 ay Xamar ka dhacaan dagaalo qabiil, wuxuu ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay shaqaaqadaas isagoo fariina u diray laamaha Dowladda ee ay quseyso arrintan.

Qoraal uu soo dhigay bogiisa rasmiga ah ee Facebook ayaa u qornaa sidaan hoose.

 Tacsi iyo Tallo soo Jeedin

—————————————————————

Marka hore waxaan tacsi u dirayaa dhamaan ehelada shacabkii ku dhintay shaqaaqooyinkii shalay ilaa xalay ka dhacaayay Muqdisho iyo qaraxyadii maanta Xamar ka dhacay, waxaan lee yahay Allaha u naxariisto dadkaa gardarada ku dhintay, dhamaanteenna samir iyo imaan Allaha naga siiyo, sidoo kale kuwa ku dhaawacmay iyagana Allaha caafiyo.

Dagaalada dhex mara ciidankeenna waa kuwa soo noq noqda una baahan in qorshe cad loo sameeyo si loo xakameeyo, waa nasiib darro weyn in 2018 aan aragno Xamar oo dhowr saacadood ay ka socdaan dagaallo shaati qabiil loo galiyay.

Waxaan ugu baaqaya kooxaha dagaalamaya in ay nabad iyo wada hadal wax ku raadiyaan, u turaan shacabka ayna ogaadaan inuu xisaabtan jiro, mar walba oo uu dagaal dhaco waxaa naga baxa dad muhiim u ahaa bulshadeenna, dagaal hadii uu faa’iido lee yahay waxaa nagu filan inaan dib u fiirino 27kii sano ee lasoo dhaafay.

Hay’addaha Amniga, Maamulka Gobalka Benaadir iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxaan ka codsanaya in ay xoogga saaran sidii loo damin lahaa colaadda, sidoo kalana ay magacaaban gudi soo afjara xiisadan soo noq noqotay.

Odayaasha dhaqanka, Ganacsatada, Culimmada, Haweenka iyo Dhallinyarada waxaan lee yahay kaalintiina qaata, waad ogtihiin Muqdisho iyadaa horey u dhiig baxeysay mana xamili karto dhibaato cusub.

Dhinaca kale, xiisadda siyaasadeed ee maalmahan ka taagan Muqdisho waxey culees badan saartay shacabkii magaalada oo laga xiray dhamaan jidadkii ay isticmaali jireen, xaqiiqdii aadbey ii gubtay markii la ii soo sheegay hooyo xaamilo ah oo laamiga ku foolaneysa.

Siyaasiyiintu waa in ay ogaadaan awoodoodu waxey ku egtahay inta ay shacabku kacayaan. Fadlan Muqdishaawiyiinta yaan cadaadiska lagu badin oo laga xayirin nolol maalmeedkooda.

Khilaafka siyaasiga ah ee taagan uma baahna xoog iyo cudud ciidan toona, waa in la aada dhanka sharciga si xal loo helo, kaas hadii aan iska indho tirno wax badan ayaa naga halaabi doona.

Ugu dambeyntii waxaan soo dhaweynayaa #DhawaqaDhalinyarada waxaana leeyahay marwaliba doorkiina waa muhiim. Waxaad xaq u leedihiin mustaqbal la mid ah kuwa jiilalkii hore ay ku heleen bilaash.

Badbaado iyo badbaadin baan idiin wada rajeeynayaa.

Mdne: Thaabit Cabdi Maxamed