Xildhibaanada mooshinka ka wada Jawaari oo maanta ku kulmay Muqdisho iyo tiradooda oo mar kale lasoo bandhigay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa manta kulan aan caadi aheyn magaalada Muqdisho ku yeeshay Xildhibaanada ku mideysan Mooshinka ka dhanka ah Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Kulanka oo xiisa gaara lahaa ayaa waxaa isugu yimaaday Xildhibaano kor u dhaafaya Boqol Xildhibaan kuwaa oo gabi ahaantooda mowqifkooda mar kale ku sheegay inuu yahay laalida Guddoomiye Jawaari.

Xildhibaanada oo siyaabo kala duwan uga faalooday arrimaha khilaafka ayaa sheegay in Mooshinka dhaliyay khilaafka taagan uu yahay mid wali taagan oo aan burburin, sida ay hadalka u dhigeen.

Xildhibaanada goobta ka hadashay ayaa gabi ahaantooda codad dhaadheer ku sheegay in Mooshinka Jawaari uu weli yahay mid taagan, isla markaana uu ku dhaqan gali doono waxyar.

Waxa ay sheegen in nasiino ay ku waajibi doonto xiliga ay Kursiga ka tuuran Guddoomiye Jawaari oo ay ku eedeeyen Musuq iyo ku xadgudubka Dastuurka dalka.

Shaqaaqadii ka dhacday xarunta baarlamaanka arbacadii lasoo dhaafay ayey sheegen inay aheyd mid lagu doonaayay in lagu afganbiyo dalka, hase ahaatee ay dowlada ka feejigneyd talaabada garabka Jawaari, sida ay sheegen

Xildhibaan Aadan Isxaaq oo ka mid ah Baarlamaanka Somalia, gaar ahaan garabka Mooshinka kawada Guddoomiye Jawaari oo goobta ka akhriyay war-saxaafadeed kooban ayaa sheegay in gudoomiye jawaari uu ku xadgudbay dhowr qodob oo Dasruurka dalka u yaalla.

Xildhibaanka waxa uu sidoo kale sheegay in uusan noqon qof dhex dhexaad ah isla markaana uu talada dalka u dhiibtay Xildhibaano aad u tirro yar, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale, Xildhibaan Aadan Isxaaq, ayaa goobta ka cadeeyay in tiradooda aysan laheyn qarsoodi, isla markaana ay dhan yihiin 220 xildhibaan.

Si kastaba ha ahatee, Xildhibaanada Mooshinka kawada Guddoomiye Jawaari, ayaa xiligaan ku doodaya in Is casilaada Jawaari ay ka doorbidayaan in xilka looga qaado Codeynta Mooshinka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com