Majeerteenka Minnesota oo aflagaado iyo been abuur ku hortaagan maatneynta Muqdisho iyo Saint Paul + Video

St. Paul (Caasimada Online) – Qorshe la doonayo in Iagu mataaneyo magaalooyinka Muqdisho iyo magaalada Saint Paul ee caasimadda gobolka Minnesota ayaa waxaa caqabad ku noqday jaaliyadda beesha Majeerteen ee Minneapolis iyo Saint Paul, sida uu baahiyey taleefishinka Fox 9.

Imaam Xasan Maxamuud iyo Qaasim Busuri oo matala laba ka mid ah afarta masjid ee Saint Paul ayaa ka shaqeynaya mataaneynta Muqdisho iyo St. Paul.

“Soomaalida waxay St. Paul u arkaan dalkooda labaad” ayuu yiri Imaam Xasan. “Soomaali kasta, meeshuu doono ha ka yimaadeen waa ku faraxsa yahay qorshahan”

Si kastaba, waxaa qorshahan kasoo horjeeda xubno beesha Majeerteen ah oo la magac baxay Mashruuca Mataaneynta St. Paul iyo Garoowe, horena loo oron jiray Saaxiibada Minnesota ee Puntland.

Bayaan ay soo saareen oo ay u direen taleefishinka Fox 9 ayay ku sheegeen in qorshaha uu yahay mid “Waqtigiisa kasoo hormaray oo aan suurtgal ahayn”

Waxay sheegeen in mataaneynta Muqdisho iyo St. Paul uu abaal marinayo “Magaalo hantida dadkoodii lagu dhacay, dadkoodiina lagu laayey, oo lagu qasbay inay ka qaxaan”, sida ay hadalka u dhigeen.

“Xaqiiqda ayaa ah in Muqdisho ay tahay magaalo ay la dageen weeraro argagixiso, oo dhammaadkoodu aanu soo dhaweyn. Waa kasoo horjeednaa in Muqdisho iyo St. Paul la mataaneeyo. Haddii sidaas ay dhacdo waxaa ka faa’iideysan doona, kuwa taageera xagjiriinta, oo ka soo horjeeda reer galbeedka” ayay yiraahdeen ururka mashruuca Garoowe.

“Guri ayaan ku leeyahay St. Paul, kuwa diidan qorshahan xitaa ma degani St. Paul. Waxay rabaan in siyaasaddii Minneapolis ay halkan keenaan” ayuu yiri Qaasim Busuri.

Xubnaha beesha Majeerteen ayaa doonaya in St. Paul lala mataaneeyo Garoowe, inkasta oo xaqiiqda ay tahay in Garoowe aysan dhammeyn xitaa hal degmo oo Muqdisho ka mid ah.

Halkan ka daawo warbixinta Fox

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
Caasimada@live.com