Museveni oo saadaaliyey dhowrka sano ee Somalia uga harsan xasiloonida

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha dalka Ugandha Yoweeri Museveni ayaa shaaca ka qaaday inay rajo weyn ka qabaan in Somalia ay cagaheeda ku istaagto ‘’Tobanka sano’’ ee fooda nagu soo heysa gudaheeda.

Yoweeri Museveni, waxa uu sheegay in Ugandha ay ahmiyad gaara u aragto Somalia oo ka hanaqaad halka ay iminka taagan tahay waxa uuna cod dheer ku sheegay inay uga dhigan tahay Ugandha oo hagaagda.

‘’Somalia wey hagaagi doontaa waxaan rajeyneynaa inay Xaalladu caadi ku soo noqon doonto 10-ka sanno ee soo socda’’

Museveni, ayaa hadalkaan sheegay mar uu Madaxtooyada Kambala kula hadlaayay arday loo tababaryo Hawlaha Ciiddanka, oo wax ku barta Kolejka Milliteriga ee  ‘’The British Advanced Commanders’ Staff College’’ ee dalka Britain,  kuwaasi oo booqsho 5 maalmood ku jooga Uganda.

Waxa uu Yoweeri Museveni tilmaamay in dowladiisa ay dooneyso in si dhaba ay u waajahdo sida ay ardaydu kor ugu qaadi laheyd tayadooda waxbarasho, si ay uga dhex muuqdaan dhigooda.

Madaxweyne Yoweeri Museveni waxa uu sheegay in Ciiddamadda dalalka Uganda iyo Britain uu ka dhexeeyo Iskaashi dhinacyo badan,  isla markaana ay wadaagaan  Ammaanka, Siyaasadda Horumarinta iyo Maalgashiga.

Museveni mar uu ka hadlayey arrimaha Gobalka, waxa uu tusaale usoo qaatay sida ciidamada Ugandha ay uga qeybqaadanayaan dadaalka lagu doonaayo in lagu nabadeeyo Somalia, waxa uuna cadeeyay in dowladiisa ay bixisay dadaalka ugu badan, isla markaana ay diyaar u yihiin inay sii wadaan.

Yoweeri Museveni, waxa uu cadeeyay in Ugandha aysan ka jiifan doonin baahiyaha amni ee Gobolka, sidaa aawgeed ciidamadiisa uu doonaayo inay ku daydaan Saraakiisha ciidan ee hogaamineysa ciidamada Ugandha ka jooga Somalia.

Yoweeri Museveni, waxa uu ardayda uu la kulmay ugu baaqay in hankooda uu ahaado mid cad oo aan dib loogu laabaneyn, si buu yiri ay ugu biiraan Saraakiisha difaaca ugu jira karaamada dalkooda.

‘’Waxaa la doonayaa dhalinyaro tusaala u noqonkara adduunka, waa in la helaa Saraakiil ka dhameystiran dhan waliba sida akhlaaqda, tababarka iyo wax waliba oo xoojinkara sharafkooda’’

Sidoo kale, Museveni waxa uu tilmaamay inay dadka Uganda noqon dooaan Bulsho casri ah 25-ka sanno ee soo socda, sidaa aawgeed la doonaayo in laga dhabeeyo jiheynta mustaqbalka fog ee Ugandha.

Si kastaba ha ahaatee, Mosavani waxa uu hadalkiisa kusoo idleeyay mahadcelin uu u jeediyay Dowlada Britain oo uu sheegay inay kala dhexeeyso wada shaqeyn.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com