Turkiga oo Soomaaliya ka soo saaray war u baahan in Imaaraadka Carabtu arkaan

Ankara (Caasimada Online) – Agaasimaha wasaaradda arrimaha dibedda Turkiga ee xiriirka Afrika, Ahmet Riza Demirer ayaa ka hadlay joogitaanka dalkiisa ee Soomaaliya, iyo loolanka culus ee la sheego inay dalal kale kula jiraan, isaga oo si dadban u duray Imaaraadka Carabta.

Ahmet Riza Demirer ayaa sheegay in Soomaaliya aysan Turkiga u ahayn mid ay dalal kale kula loolamayaan, hase yeeshee ay tahay dal muhiim u ah.

“Mustaqbalka Soomaaliya anaga ayaan beddelnay. Kuwa noo arka inaan Soomaaliya kula loolameyno waxaan ka rabnaa inay ka shaqeeyaan horumarka iyo fayo-qabka dalka Soomaaliya” ayuu yiri Ahmet Riza Demirer.

Ahmet Riza Demirer ayaa sheegay in saldhigga Turkiga ee Muqdisho loo sameeyey inay dalka ka taageeraan xagga amniga, gargaarka bani aadannimo iyo hadafyada horumarineed.

“Soomaaliya waxaa muddo 30 sano ah haysay maamul xumo, waase dal leh dad wanaagsan iyo taariikh weyn, dadka Soomaaliyeed-na waa ay ogyihiin wax aan dalkooda ka wadno” ayuu yiri.

Ahmet Riza Demirer ayaa sheegay in tababarka ciidamada Soomaaliya aysan wax ujeedo kale ah ka lahayn, oo aan ahayn in dalka Soomaaliya wax u taraan, islamarkaana qorshahoodu ahayn in ciidamada ay tababaraan ay ayaga hoos-yimaadaan, balse ay qeyb ka yihiin ciidamada Soomaaliya.

Imaaraadka Carabta ayaa ah dalka kaliya ee Soomaaliya ciidamo u tababaray, balse ay noqdeen ciidamo ayaga hoos-yimaada, inkasta oo markii dambe ay kala wareegtay dowladda federaalka.

Caasimada Online
Xafiiska Istanbul
Caasimada@live.com