Wasiirka arrimaha gudaha Somalia oo lagu sirmay!!

Cabdi Maxamad Sabriye, markii loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta, waxaa la is lahaa, waa oday waayo’arag ah, dalkana wax badan ka og, maadaama uu ganacsi xooggan ka sameeyey intii burburka lagu jiray. waxaa la is lahaa, waa nin ugu yaraan yaqaan dhexdhexaadinta iyo xeerjajabka. Waxaa la is lahaa, ma noqon doono adeege kaboqaad ah, maxaa yeelay, siyaasi xil madax maray ma ahayn, xoolodoonna ma ahan, oo maal cindak waaye. Maxaa dhacay?.

Sidii xilka loogu dhiibay, Sabriye, waxaa la arkay, markii uu Gobollada Dhexe iyo Galmudug ku soo dhaweyny Formaajo, ka dib raadkiis iyo raqdiis cid sheegta waa la waayey, heer aan halkan dadka ku weydiiyey, in dalku leeyahay wasiir Ariimo Gudaheed.

Waxa la yaabka leh, ee ninkaa ku dhacay aan tusaalaha ugu weyn idin sheego; shir dastuurka/DALTUURKA looga hadlayo, ayaa Xamar lagu qabtay. Dastuur waa unug u ah dib u heshiisiin, xilkaana waxaa ku magacaaban Sabriye, madasha goobjoog ayuu ka ahaa, hadal jeedinna la ma siin, halka QAAQLAYAAL iyo IS KA MA SIIBAYAAL laga soo aruurshay GALBEED ay ka qayliyeen.

Ninka asoo joogo wasiirna ah, xiriirna la leh waxa meesha lagu hayo, aan laga tixgelin, muraadna laga yeelayn, waxa uu wasiir ka yahay anigu ma garan, ee qofkii wax igu dhaama ha ii soo sheego.

Tallaabooyinka saddax xagalka SHARTU (Fahad, Formaajo iyo Kheyrre) ay rabaan, in ay hirgalshaan waxaa ka mid ah; duminta maamul goboleedyada, oo ay horana isugu dayeen. Hadda waxaa miiska saaran labada maamul; Galmudug iyo Jubbaland.

Galmudug waxaa loo helay Casir iyo Carrabeey, oo Formaajo iyo Khayrre ku qabiil ah, shalayna Cadaado ka dagay, ka dibna shaqadii ay soo qabteen, ee lixda bil la waday yiri; WAXBA KA MA JIRAAN!

Sabriye wuxuu xilka ku metelaa maamulka Galmudug, halkii ay eheed, in uu is ku duubnidooda iyo midnimada ay gaareen u sii adkeeyo, wixii aragti ka la duwanaasho iyo is diiddooyin ah ee jirana, uu turxaan bixiyo, waa kaas afkii Formaajo iyo Kheyrre ku hadlay, ee la hadal noqday Casir iyo Carrabeey. MAGAG!

Ar Sabriyow, Galmudug iyo Ahlsunno waa heshiiyeen, oo heshiisiin u ma baahnee, nin weyn baad tahaye, karaamadaada iyo magacaaga dhawro, oo saddax xagalka SHARTU yey kuu adeegsan fulinta danahooda gurracan, eedan waxba ka faa’iideyn.

Suldaan Xaaf shalay wuxuu sheegay, in Sabriye ballan u dhigay, oo uu labo maalin is ka dabawareejinayey, markii ay jiho ka waayeenna ay isaga soo tageen Xamar, ee Sabriyow, haddaad been sheegee, waxaad sheegtaa been dheeraysa, oo aan la gaari karin, maxaa yeelay, shalay waxaad u ekeed, nin la soo qasbay, oo hadal yar loo soo meeriyey, lana yiri; sidan dheh!

Marka la aqriyo waji dareenkaaga, raalli ku ma ahayn, oo si baad u didsaneed, in kasta oo aysan cudurdaar kuu noqonayn, haddana, haddii masuuliyaddaadu tahay, in xasaradaha maamullada la xalliyo, fadlan, Puntland iyo Somaliland aa qoryo iyo tikniko is la horfadhiyee, bal iyaga u yeer ka hor Galmudug, oo aragti uun is ku diiddane!

Qofku marka uu is moodo wax uusan ahayn ama isa siiyo xil uusan hayn dhibkaan ayey leedahay. Galmudug waad u soo fara baxsanee, dagaallada dalka dhacay intii aad xilka haysana hal eray ka ma dhihin, oo qaarkood dadka aad metesho ay ku dhinteen! AMAKAAG!

In Juxa loo darsan waa hubaye, waxaan is lahaa, ugu yaraan si gaar ah ayaan loogu darsandoonin, haddase, cidda u horrraysa, ee u darsanaysa waa Galmudug, oo Juxa duminteeda hor istaagay markii uu ahaa wasiirka Arrimaha Gudaha. AR JUXA NOO JERSHA!

Yuusuf Garaad markii uu wasiirka Arrimaha Dibadda ahaa, waxna kugu darsan mayn, waxna kugu dari man, halkanse DIRANE aas u dareen egyahay, ee kolleey ma dammanee, dib ha isugu laabto, duni waa dambaysaa, danna ugu ma jirto DOC ka yeernimee!

Wax la arag, waxna laaban!

W/Q: Bashir M. Xirsi
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid