Maxaa ka jiro in Itoobiya ay dhex dhexaadineyso DF iyo Imaaraadka Carabta?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida ay illo wareedyo ku dhow dhow Madaxtooyada Villa Somalia u xaqiijiyeen Shabakadda Caasimadda Online waxaa socdo dadaal lagu doonayo in lagu dajiyo xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeyso dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta taasoo gaartay meeshii ugu sareysay.

Dadaalka lagu doonayo in lagu xaliyo xiisadaan ayaa waxaa hor boodayo Ra’isulwasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed kaasoo dhawaan dalkiisa ku qaabilay Dhaxal sugaha Imaaraadka Carabta Maxamed Bin Zayed oo booqasho aan lasii shaacin ku tagay Adis Ababa.

Dadaalada xalka diblomaasiyadeed ee Itoobiya u raadineyso inay dib u soo celiso xiriirkii Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa isugu afgartay kulankii dhex maray Maxamed Bin Zayed iyo Dr. Abiy Ahmed.

Kulankaas kadib ayuu Dr. Abiy Ahmed safar deg deg ah ku yimid Magaalada Muqdisho isagoo kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxayna labada dowladood isla gaareen heshiis dhigayo inay Itoobiya maalgashi ku sameysato ilaa afar Dekadood oo Soomaaliya ku yaal kuwaas oo aan la magacaabin.

Sida xogta lagu helayo tallaabada ugu horeyso ee la qaadayo ayaa noqon doonto inay is arkaan Diblomaasiyiin ka kala socda Soomaaliya iyo Imaaraadka kuwaas oo ka wada hadli doono sidii loo soo celin lahaa xiriirka labada dowladood isla markaasna meesha looga saari lahaa Khilaafka jiro.

Kulamadaas markay dhacaan kadib ayaa la filayaa inuu wada hadalku gaaro ilaa heer madaxeed, iyadoo uu qorshuhu yahay inuu Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre safar ku tago dalka Imaaraadka Carabta si uu halkaas kulamo ula yeesho madaxda ugu sareyso dalkaas.

Imaaraadka Carabta ayaa dowladda Itoobiya u aragtay inay tahay wada kaliya ee loo mari karo dowladda Soomaaliya, waxaana labada dowladood ka dhaxeeyo xiriir aad u fiican kaasoo gaaray inay Imaaradka Carabta siiso lacag gaareysa illaa saddex bilyan oo deyn ah, kaddib markii lacagta Shisheeye ay ka yaraatay Bankiga Dhexe ee Addis Ababa.

Imaaraadka Carabta iyo Dowladda Itoobiya ayaa horey heshiiska Berbera la galay Maamulka Somaliland, waxaana dowladda Itoobiya laga siiyey Dekaddaas saami gaarayo ilaa 19%, waxaana heshiiskaas meesha ka saaray oo laalay Baarlamaanka Soomaaliya inkastoo weli uusan saxiixin Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xiriirka dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa meel xun gaaray kadib markii ay dowladda Somaaliya la wareegtay lacag Malaayiin Dollar ah oo ay Imaaraadka kasoo dajisay garoonka Muqdisho xilli ay taagneyd xiisaddii siyaasadeed ee ka dhalatay mooshinkii laga keenay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sh. Cismaan Jawaari.

Imaaraadka Carabta oo tallaabadaas ka xumaatay ayaa bilo ka hor joojiyay howshii tababarida iyo taageerida Ciidamada Soomaaliya, waxaana Muqdisho uu ka rartay qalabkii iyo agabkii uu u isticmaali jiray agabyadiisa iyadoo xeradii lagu tababari jiray ciidamada ay la wareegtay dowladda Soomaaliya oo halkaas geysay ciidamo cusub.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa culeys weyn saartay dowladda Soomaaliya, waxayna Imaaraadka garab ka heshay Madaxda Maamul Goboleedyada kuwaas oo si cad uga hor yimid go’aankii dhex dhexaadnimada ahaa oo ay dowladda Soomaaliya ka qaadatay Khilaafka dowladaha Khaliijka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com