Muqdisho (Caasimada Online) – Col. Gebregziabher Alemseged Abraha, oo ay Soomaalida ay u baqaan Jeneral Gabre ayaa maanta laga ceyriyey xilkii uu ka hayey urur goboleedka IGAD, ee ahaa la-taliyaha sare ee arrimaha siyaasadd ee xoghayaha fulinta IGAD.
Warqad ay heshay Caasimada Online, islamarkaana uu ku saxiixan yahay xoghayah guud ee IGAD Maxbuub Macallin, ayaa lagu sheegay in maanta iyo wixii ka dambeeyey Gabre uusan u shaqeyn IGAD.
Warqadda ayaa waxaa sidoo kale Gabre looga codsaday inuu wixii ka horeeya maanta 2:30 xilliga geeska afrika soo wareejiyo dhamaan wixii qalab iyo hanti ah ee IGAD ee leedahay ee uu gacanta ku hayo.
Ceyrinta Gabre ayaa timid kadib dadaal socday sanad kadib oo dowladda Soomaaliya ay u gashay in Gabre laga saaro Soomaaliya, ayada oo ku eedeysay inuu faro-gelin xooggan ku hayo arrimaha gudaha Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka codsaday ra’iisul wasaarihii hore ee Ethiopia Hailemarim Desalegn in Gabre uu xilka IGAD ka qaado, hase yeeshee qorshahaas ayaa waqti fog qaatay.
Si kastaba Gabre ayaan iman magaalada Muqdisho wixii ka dambeeyey maalinkii la doortay madaxweyne Farmaajo, markaasi oo doorashada uu goobjoog u ahaa.
Dowladda ayaa ku guuleysatay in ugu dambeyn xilka laga qaado Garbe, kadib markii ay sidaas ka dhaadhicisay uuna ka ogolaaday ra’iisul wasaaraha cusub ee Ethiopia Abiy Ahmed, oo danaynaya inay Soomaaliya aad isugu soo dhowaadaan.
Ka sokow IGAD, Gabre ayaa ahaa sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka Ethiopia, wuxuuna xiriir dhow la lahaa maamul goboleedyada Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya.
Wuxuu aad ugu dhowaa Axmed Madoobe oo bil walba uu lacag ka qaadan jiray iyo kooxda Damu-Jadiid ee hogaanka dalka lagala wareegay, gaar ahaan Faarax Cabdulqaadir.
Ceyrinta Gabre, oo ah nin ay aad u neceb yihiin Soomaalida, ayaa noqon doonta mid ka mid ah guulaha ugu weyn ee lagu xasuusan doono dowladda hadda jirta, oo ka dagaalameysa in dalal shisheeye ay faro-gelin ku sameeyaan arrimaha gudaha dalka.
Hoos ka aqriso warqadda lagu ceyriyey Gabre.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]