XOG-WARRAN: Wax badan oodan ka ogeyn ciidamada Kenya ee qabsaday gobollada Jubbooyinka.

Sanadkii 2009 ayaa Maraykanka waxaa loo qaaday Lix Sargaal oo ka tirsan Ciidanka Kenya si ay u Hogaamiyaan duulaan la qorsheeyay in Ciidamada Kenya ay ku qaadaan Qadanka Soomaaliya. Qorshahan oo ahaa mid qarsoodi ah, waxa lagu adkeeyay Saraakiishaan inaysan cidna u sheegi karin.

Bishii Agoosto 8.  2009 ayay lixda Askari oo uu horkacayo kabtan Xavier Omondi gaareen  xarunta Ciidanka Ilaalada Qaranka ee magaalada Benning gobolka Georgia  ee dalka Maraykanka.

Dhowr bilood ka dib markii ay kasoo laabteen  tababarkaas, waxaa Wadanka Kenya gudihisa looga furay xarun cusub oo  lagu tababarayo ciidamo loo bixiyay Rangers Strike Force, xaruntaas oo  qudheedu aheyd xiligaas mid qarsoodi ah, waxa tababaro looga  furay ciidamo badan oo ka tirsan Ciidanka Kenya.

Isla waqtigaas waxa  laga furay isla Kenya xarun kale oo ay Maamulaan Ciidanka  Ingiriiska loona bixiyay Xarunta Special Force waxana lagu biiriyay  xarunta aan kor kusoo sheegnay ee Rangers Strike Force 40RSF.

Labada  ciidan RSF iyo SF oo ay gacanta ku hayaan ciidamo kala ah Maraykan,  Ingiriis iyo Yuhuud iyo tiro yar oo Kenyan ah oo lagu soo tababaray  Maraykanka, waxay ahaayeen qarsoodi ilaa laga soo gaaray duulaankii  Soomaaliya ee loo bixiyay Operation Linda Nchi oo ay ciidamada Kenya oo  garabsanaya Maraykan iyo Waxqabadka  ay muujiyeen ciidankii lagu soo tababaray Maraykanka iyo sida ay u  laayeen Soomaalida waxa Madaxweyne Mwai Kibaki uu ku gudoonsiiyay  ciidankaas bilado iyo dalacsiin kala duwan.

Ragga la gudoonsiiyay  biladaha ee kusoo tababartay Maraykanka waxa ka mid ah Kabtan Boniface  Waithaka oo la siiyay Xidig Qalin ah, wuxuna hada

Sanad ayay ku qaadatay Ciidanka Kenya inay qabsadaan Kismaayo.
Sanad ayay ku qaadatay Ciidanka Kenya inay qabsadaan Kismaayo.

hogaamiyaa Boniface  ciidamada Kenya ee fadhigoodu yahay Bilis-Qooqaani, Soomaaliya. Sidoo  kale waxa abaal-marin la siiyay Samwel Marwa, Abdullahi Gabow, Emedele  Epakolok iyo Mwambuzi Simba. Bilada ugu sareysa Kenya ee la yiraahdo  Head of State Commendation waxa la gudoonsiiyay Ranger Onsemus Namu.  Ragaan dhamaantood waxay kusoo tababarteen dalka Maraykanka.

Xarunta  ugu weyn ee Ciidamadan Special Operation-ka waxay ku taalaa degaanka  Gilgil, si aad ugu biirto ciidankaasna waxad u baahan tahay inaad tahay  askari aad u wanaagsan xagga adkaysiga iyo akhlaaqda.

Si  aad u noqoto marka hore ciidanka loo yaqaan Rangers Strike Force waxad u  baahan tahay inaad marto 63 maalmood oo tababar ah, haddii aad doonayso  inaad usii gudubto Special Forces-kana waxad u baahan tahay lix bilood  oo tababar ah. Farqiga u dhexeeya labadaas ciidana waxay kala yihiin  Rangers-ka waxa tababara ciidamo Maraykan ah, halka Special Forces-ka ay  tababaraan ciidamo Ingiriis ah.

Sida  dadku u maleeyaan maaha ciidamada Special Forces-ku kuwo degdeg ku howl  gala, waxayse u baahan yihiin diyaar garow dheer marka ay howlgal  sameynayaan. Waxa loogu tala galay meesha ay qabsadaan inay ka abuuraan  ilo dhaqaale, sida koronto, biyo, dalag beereed, dayactir wadooyin,  dhaqaalaha iyo siyaasada dhulka ay qabsadeena waa inay ka talo bixiyaan.

Arintan iyada ah waxay cadeyn u tahay in ciidamada Kenya ee qabsaday  magaalada Kismaayo aysan si fudud faraha ugala bixi doonin maamulka iyo  talada dhulka Jubooyinka.

Qaabka Tababarkooda

Marka  ay tababaranayaan Ciidamada Rangers-ku waxay 3 Isbuuc ku qaataan  magaalada Isiolo, ee degaanka Soomaalida, waxayna sidoo kale 3 Isbuuc oo  kale ku qaataan dhulka jooga sareeya ee buuraleyda Kenya. Kadib waxay  usoo wareegaan dhulka kulul ee xeebaha Kenya sida xerada ciidamada ee  Manda Bay.

Waxay  tababarka la qaataan ciidamo ay ka mid yihiin Special Air Service  SAS-ka Ingiriiska, Sayaret Matkal oo ka tirsan IDF Isreal Defence Force  iyo Rangers-ka Maraykanka. Sida laga soo xigtay ciidamada Kenya  tababarada qaarkood waa kuwo aysan xamili karin dadka ugu geesisan  aduunka. Waxa lagu tababaraa inaysan dib-u-gurasho sameyn karin ciidanku  xataa haddii ay galaan xaalada ugu khatarta badan. Waxa ka mid  waxyaabaha la baro, in ragga la dareensiiyo culeys iyo xanuun. Sidoo  kale waxa si xeeldheer loo baraa inay isqariyaan si ay u sameyn karaan  qaraxyo iyo dilal qorshaysan.

Waxa ka mid ah xaaladaha lagu tababaro  inay ka dagaalami karaan lana dagaalami karaan argagixisada,  magaalooyinka, lamadagaanada, buuraha iyo dhulka howdka ah. Waxa kaloo  la baraa hubka noocyadiisa kala duwan laga bilaabo hubka fudud ilaa  madaafiicda calculus.

Sida  aan kor kusoo sheegnay ciidankan waxa la bilaabay tababarkooda sanadkii  2009, kaasoo ahaa markii xukunka laga qaaday C/lahi Yusuf loona dhiibay  Shiikh Shariif Sh. Axmed, waxaana loogu tala galay inay ciidankaani  qabsadaan koonfurta Soomaaliya, taasoo hada usuurto gashay, inkastoo aan  la ogeyn sida ay ugu sii raagi doonaan qorshahooda qarsoon.

Waxa xusid  mudan in ciidamadii Itoobiya ee qabsaday caasimada Soomaaliya Muqdisho  sanadkii 2007 la bilaabay tababarkooda sanadihii 2003-2004 waxaana  sidaan oo kale tababari jiray ciidamo ka kooban Maraykan iyo Ingiriis.

Waxaase  wax laga calool xumaado ah in Soomaalidu aysan u jeedin shirqoolka loo  maleegayo ee ay u qeybsameen qaar ku faraxsan kuraas iyo jagooyin  dhalanteed ah, qaar la shaqeynaya cadowga doonaya inuu qabsado dhulkii  yaraa ee haray iyo kuwo xagjir ah oo dadkii ku dhameeyay gowrac iyo  qarax, waxayna kooxda dambe u muuqdaan kuwo si dahsoon ula shaqeynaya  cadowga madaama ay u fududeeyeen qabsashada dhulka kadib markii cadowgu  uu u balanqaaday shacabka Soomaalida inay ka badbaadinayaan kooxaha  gumaadka iyo gowraca ku haya.

Isha: Keydmedia.net