27.5 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Madaxweyne Erdogan oo xil sare u dhiibay wiil ay xididi yihiin (Faahfaahin)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Istanbul (Caasimada Online) – Sida ay qoreen wargeysyada kasoo baxa magaalooyinka Ankara iyo istanbuul Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa wasiirka maaliyadda dowladiisan cusub u magacaabay wiilka uu soddoga u yahay.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa dowladiisa cusub ku dhawaaqay saacada un kadib markii loo dhaariyay jagada Madaxweyninimo.

Erdogan, ayaa magacaabida wiilka uu soddoga u yahay u arka mid ka saareysa dhaqaalaha dalkiisa oo hoos uga dhacay halkii uu horay u taagnaa.

Recep Tayyip Erdogan, ayaa xilkaasi dib ugu guuleystay bishii aynu soo dhaafnay. waxa uu sheegay in uu meesha ka saaray hab wadanka ka ragaadiyay dhan kasto hadii ay ahaan lahayd dhanka siyaasadda ama dhaqaalahaba.

Docda kale, dhinacyada mucaaradka ee isaga ka soo hor jeeda ayaa ka cabsi qaba in habkaan cusub uu bur-burin doono dimuqraadiyadda Turkiga.

Caasimada Online
Xafiiska Istanbul
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News