SALAAD Cali oo shaaciyey dowladda Farmaajo iyo tii Xasan midda wanaagsan

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Salaad Cali Jeele oo kamid ah Siyaasiyiinta ugu caansan ee ku nool magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay isbedelada ay ku talaabeyso dowlada Somalia tan iyo markii la dhisay dowlada hadda jirta.

Salaad Cali waxa uu sheegay in dowlada hadda jirta ay waxbadan ka wanaagsan tahay dowladihii hore waxa uuna cadeeyay inay ka fursado badan tahay kuwii hore.

Dhinacyada Amniga, Dhaqaalaha iyo Horumarka ayuu sheegay in dowlada uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ay xooga saartay, isagoo intaa raaciyay in si dhow ay uga warqabto ciidamada qeybahooda kala duwan oo xiligaan qaata xuquuq rasmi ah.

Salaad Cali, waxa uu cadeeyay in dowlada Somalia ee hadda jirta ay aad u adkeysay amniga waxa uuna yiri “Dowladani waxa ay waxbadan ka qabatay amni daradii ka jirtay dalka xiligii hore waxaa maalin dhaaf u dhici jiray Qaraxa iyo dagaal hadase waxaa dhalatay nabad buuxda”

“Waxaan aheyn dad ku tashan jiray Qarax joogta ah hadda Qaraxa waxa uu noqday dhowrkii bilba hal mar, waxaan dareemeynaa inuu soo hagaagayo dalka dowladuna ay lasoo baxday awood muujineysa in dalka uu ka jiro dowlad”

Salaad Cali, waxa uu sheegay in dhibaatada ugu badan ee ka jirta dalka ay tahay qeybaha mucaaradka oo mar waliba dalka u horseeda dhibaatooyin aan dhamaan, waxa uuna nasiib daro ku tilmaamay in wadan sanado badan burbursanaa hadana la hor istaago nabadiisa.

Waxa uu sheegay Salaad Cali inaan awood lagu dhameyn dowlad laga aqoonsan yahay adduunka “Dowlad laguma dhamo awood mucaradna waxaa lagu yaqaana inuu dhiso dalkiisa, maaha in mucaaradnimadu tahay inaad burburiso dalka oo aad dib ugu celiso halkii laga soo bilaabay taasna yeeli meyno”

Sidoo kale, Salaad Cali ayaa ku baaqay in dowlada Somalia laga dhaafo dhibaatooyinka iyo hadalada xun, waxa uuna sidoo kale carab dhabay in dowladu aysan diidaneyn mucaarad balse shuruuda la doonaayo ay tahay in mucaaradka uu noqdo mid dalka dhisa.

Haddalka Salaad Cali ayaa u muuqanaaya mid lagu difaacayo dowlada Somalia, isla markaana lagu muujinaayo dhibaatooyinka ay mucaaradka u horseedayaan dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com