Siyaasiyiinta K/Galbeed oo soo saaray qoraal xasaasi ah oo ka dhan ah Shariifka

Baydhabo (Caasimadda Online) – Siyaasiyiinta iyo waxgaradka kasoo jeedo deegaanda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa soo saaray war murtiyeed xasaasi ah oo ku saabsan doorashada dhawaan la filayo inay ka dhacdo Magaalada Baydhabo.

War Murtiyeedka ayaa ka koobnaa talo soo jeedin, Cabasho iyo digniin, isagoo dhameystirana waxaad ka akhrisan kartaa qeybta hoose.

 

WAR MURTIYEED

 

Ujeeddo: Xaalada Kala Guurka ah iyo Doorashada Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed November 2018.

Qeybaha kala duwan ee bulshada, oo ka kooban Siyaasiyiin, Oday dhaqameedyo, Culama u diin, Aqoonyahano, Ganacsato, Dhalinyaro iyo Haween ka soo jeeda Koonfur Galbeed (KG) oo kulamo is dabajoog ah ka yeeshay xaaladda Koonfur Galbeed ku sugan tahay waqtigan xaaadirka ah ayaa waxay qiimeeyeen:
1. Xasilooni darrada soo kordheysa kaasoo khatar gelin kara amniga iyadoo qarka loo saran yahay in beelaha qaar gacan isula tagaan:
2. Maamulka KG oo ku hawlan sidii uu ku abuuri lahaa xaalad kasta oo suuragelinaysa inaanay doorasho ka dhicin deegaanka.
3. Hanjabaad iyo ku takrifal awoodeed oo lagu khalkhal gelinayo cid alla cidii maamulka dhaliisha.
4. Maamulka KG oo aan ka muuqanin diyaar garow in ay doorasho dhacdo, iyadoo aan weli la samayn shuruucdii doorashada IWM.
Sidaa daraadeed, xaaladda oo ka sii daraysa awgeed, isla markaana aanay muuqan sidii xal lagu heli lahaa waxay go’aan ku gaareen:
1. In Maamulka KG ee mudadiisu dhamaatay uusan awood sharciyeed u laheyn inuuu xil ka qaadis ama xil u magacaabis sameeyo.
2. In mudada xil-haynta hey’adaha sharci-dejinta iyo fulintu ay ku kala eg tahay sida uu qabo dastuurka Koonfur Galbeed bilaha November 17, 2018 oo ah Fulinta iyo December 8, 2019 oo ah baarlamaanka, sida ay u kala horeeyaan. 
Isku day kasta oo muddo kordhin ah waa mid aan marnaba la aqbali karin oo sharci daro ah.
3. In la sameeyo guddi doorasho isku dhaf ah laguna wada kalsoon yahay.
4. In goobta iyo mudada doorashada ay ka wada heshiiyaan dhamaan musharaxiinta, baarlamaanka KG, maamulka KG iyo dowladda dhexe.
5. In cid walba isku dayda inay xaalad colaaded ku dhex abuurto bulshada KG dhexdeeda laga qaado talaabo sharci ah.
6. In maamulka iyo garsoorka KG uu noqdo mid go’aanadiisa lagu saleeyo maslaxadda bulshada lagana saxo dhammaan talaabooyinkii kiciyey dareenka reer KG ee danaha gaarka ah laga leeyahay.
7. Waxaan soo dhoweynaynaa kunaalinaynaa in loo dhaga-nuglaado dadaalka ay odayaashu wadaan ee xalka loogu raadinayo cabashada beelaha Koonfur Galbeed ka soo yeeraysa.
8. Waxaan madaxda Koonfur Galbeed ugu baaqaynaa ilaalinta 
dastuurka iyo shuruucda wadanka. Kana fogaadaan in khalkhal iyo cabsi lagu abuuro bulshada dhexdeeda.
9. Waxaan ugu baaqeynaa Dowladda Dhexe iyo Beesha Caalamka in ay fiiro gaar ah u yeeshaan in maamulku qaaado tallabooyin liddi ku noqon kara in doorasho xalaal ahi ka ka dhacdo maamulka KG.

Wabilaahi Tawfiiq

14 Luulyo 2018