Xog: Dowladda Baxreyn oo ku fashilantay qorsho ay ku hagardaamin laheyd DF

Manama (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Boqorka Baxreyn Xamad Bin Ciisa Aala-Khaliifa uu ku fashilmay qorsho uu ku doonaayay in dowlada Somalia uu uga dhaadhiciyo dib usoo celinta wada shaqeynta Imaaraadka carabta iyo Shirkada DP World ee maalgishata Dekadaha Somalia.

Boqorka Baxreyn Xamad Bin Ciisa, ayaa la xaqiijiyay in arrintaasi uu kala hadlay qaar kamid ah Madaxda ugu sareysa dalka, hase ahaatee ay ka biya diideen in Baxreyn ay dhex dhexaad ka noqoto khilaafka labada dal.

Xogtu waxa ay tibaaxeysaa in Boqorka Baxreyn Xamad Bin Ciisa uu isku dayay in arrinta labada dal uu ku dhameeyo qadka Telefoonka, balse Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha dalka ay ka biya diideen in dowlado kale ay gacan ku yeeshay arrinta labada dal.

Boqorka Baxreyn Xamad, ayaa la xaqiijiyay inuu isku dayay damaanashada Imaaraadka carabta, waxaase arrintaasi si cad u qaadacay Ra’isul wasaare Kheyre oo la rumeysan yahay inuu ku mowqif yahay Madaxweynaha dalka Maxamed C/llahi Farmaajo.

Boqorka Baxreyn Xamad, ayaa doonaayay in dowlada Imaaraadka carabta uu kalsooni uga abuurto dhex dhexaadinta Somalia iyo Imaaraadka carabta si loo sii wado mashaariicda uu Imaaraadka kawaday Somalia, balse Somalia oo eersaneysa faragalin iyo amni darro ay u abuurtay Imaaraadka ayaa diiday go’aanka lagu dhex dhexaadinaayo labada dal, iyagoo ay muuqato inay heshiinkaraan.

Geesta kale, Dowlada Somalia ayaa horay u sheegtay in shuruud wadahadalka uu yahay in marka hore uu Imaaraadka xiro heshiiska uu Dekadda Berbera kala galay Somaliland, isla markaana dib u saxo khaladaadka laga galay dowlada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com