Laba arrin mid oo keenay xabad joojinta ay si iskeed ah ugu dhawaaqday ONLF

Asmara (Caasimada Online) – Jabhadda ONLF waxa ay ku dhawaaqday xabad joojin hal dhinac ah, iyada oo u sababeeysay dhawr arrimood oo ay ugu weyn tahay is-bedelka Itoobiya ka dhacay.

Hase ahaatee, waxaa su’aalo la iska weydiiyey wax xilligan ku soo beegay xabad joojinta halka dhinac ah maadama aysan Itoobiya iyadu tallaabaas qaadain.

Waxaan fallanqeyntan kooban ku eegi doonnaa laba qodob oo keeni kara tallaabada ONLF, anaga oo kaashaneyna xogaha aan heleyno.

1 – Dowladda Eritrea oo laga yaabo in ay ku cadaadisay ONLF xabad joojita

Sida laga war qabo Eritrea iyo Itoobiya oo muddo col ahaa waxa ay dhawaan kala saxiixdeen heshiisyo dhinaco badan taabanaya oo uu amniga ka mid yahay.

Iyada oo taas laga shidaal qaadanayo, Eritrea oo muujineysa in ay u hoggaansantay heshiiskii ay Itoobiya la gashay , waxa dhici karta in ay Jabhadihii xarumaha ku lahaa dhulkeeda ku cadaadisay in ay joojiyan dagaalkii ay ka qaadi jireen wadankeeda kuna dhawaaqaan xabad joojin, waxaa kuwaas ka mid ah ONLF.

2 – ONLF oo u sii gogol xaaraneysa in lagu wareejiyo maamulka gobolka Soomaali Galbeed

Tan iyo markii uu qalalaasaha galay gobolka Soomaali Galbeed waxaa soo baxayey tuhunno kala duwan iyo cidda sida tooska ah talada Jigjiga u qaban doonta markii la riday Cabdi Maxamuud Cumar.

Hase aaatee, waxaa muuqata in dhaq dhaqaaqyo badan ka jiraan gobolkaas iyo dhinacyo badan oo u xusul duubaya qabashada talada Soomaali Galbeed.

Si ay ONLF oo fursad ugu hesho ka hadalka masiir maamul oo ay hormuud ka tahay, waxaa dhici karta in xabad joojitii ay sameysay ugu gogol xaaratay.

Dhinaca kale, waxaa wali loo dhagtaagayaa falcelinta ka timaada Itoobiya ee ku saabsan tallaabaddii ay ONLF qaadatay.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com