27.1 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Akhriso beelaha ay ka soo jeedaan mas’uuliyiinta uu madaxweyne Farmaajo xilalka u magacaabay

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib u habeyn ballaaran ku sameeyay qaar kamid ah hay’adaha amniga dalka iyo Agaasinka Madaxtooyada Qaranka

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa magacaabis iyo xil ka qaadis lagu sameeyay masuuliyiinta hoos ku xusan.

Halkaan hoose ka akhriso liiska 7 shakhsi oo loo magacaabay xilal kala duwan iyo beelaha ay kasoo kala jeedaan:

  1. Dr. Aamina Siciid Cali waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, Habrgidir, Sacad
  2. S/Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) ayaa loo magacaabay inuu noqdo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Shiikhaal
  3. G/Dhexe Odawaa Yuusuf Raage oo loo dallacsiiyay S/Guuto ayaa isla markaasna loo magacaabay Abbaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Hawiye, Abgaal
  4. Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 15/08/2018 waxa uu Madaxweynahu u magacaabay Fahad Yaasiin inuu noqdo Ku Xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad  Qaranka/ Reer Aw Xasan
  5. S/Guuto Siciid Axmed Kadiye ayaa loo magacaabay Taliye K/Xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Habrgidir, Sacad
    1. G/Sare Zakia Xuseen Axmed oo loo dallacsiiyay S/Guuto ayaa loo magacaabay Taliye K/Xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Dir, Surre
  6. G/Sare Xasan Nuur Col-ujoog ayaa loo magacaabay Taliyaha Ciidamada Badda, Mareexaan

 

- Advertisement -

Read more

Local News