Muqdisho (caasmadda Online) – 07/08/2018 ayaa la soo gaba-gabeeyay Maxkamadeynta Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo loo heysto dilka Allah u naxariiste Marxuum Xasan Abshir Warsame oo ka dhacay magaalada Beladweyn 07/02/2018.
Wixii xilligaas ka dambeeyay ayuu Yariisow isaga soo baxsaday halka uu dilka ka geystay ee aheyd degmada Beledweyn ee xarunta gobalka Hiiraan, isagoo soo gaaray magaalada Muqdisho.
07/07/2018 ayuu isku dayay in u iska diiwaan geliyo dugsiga tababarka Boliiska ee Jeneraal Kaahiye xilligaasi uu ku dadaalayay badalka magiciisa iyo ku biiristiisa balse ciidamada boliiska oo haayay xogta Yariisow ayaa gacanta ku soo dhigay iyagoo ku wareejiyay xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida.
Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa ka tirsanaa Ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan qeybta 27-aad ee ka howlgasha deeganada maamulka Hirshabelle.
Gaashaanle Dhexe Xasan Cabdiraxmaan Aadan Wabiyow oo kamid ah Garsoorayasha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa u sheegay Garsoor in Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) go’aankiisa loo tiiriyay Qiraalkiisa oo ahaa in ay kaga fakatay xabad Marxuumka , Markaatiyaal goob joog u ahaa dilka weliba cadeeyay in uusan wax gar-gaar ah u fidin kadib dilka balse uu baxsaday iyo doodii qareenada ee aheyd in loo naxariisto loona fududeeyo ciqaabta maadaama uu qirsan-yahay, waxa ayna Garsoorayaasha gaareen in Ex Dable Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow uu yahay dambiile galay dambiga lagu soo oogay, Sidaasna loogu xukumay dil toogasha ah
Garsooraha Maxkamadda ayaa Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) u furay inuu racfaan ka qaato xukunka Maxkaadda Darajada koowaad haddii uusan ku qanacsaneyn.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com