Mac-hadka cilmi-baarista siyaasadda ee Heritage ee ku yaala Muqdisho ayaa daraasad cusub kasoo saaray wax uu ku tilmaamay โgebi-dhaclayntaโ siyaasadda arrimaha dibedda ee dowladda federaalka Soomaaliya, wuxuuna mac-hadka soo jeediyay tallooyin โwax-ku-ool ahโ.
Gefafkii Taariikhda
Daraasadda waxaa lagu bilaabay gefafkii waaweynaa ee xagga dublamaasiyadda ee taariikhda ka dhacay Soomaaliya, waxaana tusaale loosoo qaatay in markii uu dhacay dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya sanadkii 1977-dii.
Waxaa daraasadda lagu sheegay in waraaqo sir ah oo uu faafiyay bogga seeri-afuufka ee Wiki Leaks uu soo bandhigay caddeymo ku saabsan in xulufadii Soomaaliya ee Sucuudiga, Liibiya iyo Yemen iyo xitaa Maraykanka ay la safteen Itoobiya, taasna ugu wacnayd gefkii dublamaasiyadeed ee ay gashay.
โTaas waxa ay jabisay qabkii ama isla qabweyninkii Soomaalida, xukunkii kaligii taliyihii Maxamed Siyaad Barre kama uusan soo kabsan dhibaatadii kasoo gaartay dagaalkii Itoobiyaโ ayaa lagu yiri daraasadda.
QM oo loogu baaqay inay farageliso Suuriya
Waddamada khaliijka oo iska kaashanaya la dagaalanka argagixisada
Britain oo doonaysa inay bilawdo โbog cusubโ xiriirka dalalka Khaliijka
โQudha 40 sano kadib xilligaas, taariikhda ayaa u muuqata in ay markale dib ugu laabanaysa halkii, balse markan waa ay kasii walwal badantahayโ ayay daraasadda intaas ku dartay.
Khilaafka Khaliijka
Daraasadda ayaa aad loogu lafo gurey in goโaankii dhexdhexaadnimada ee ay Soomaaliya ka qaadatay khilaafka dalalka Carabta ee xulufada Sucuudiga oo dhinac ah iyo Qatar oo dhinac.
Waxaa lagu sheegay in ay dowladda Soomaaliya loo arkay in ay u janjeerto dalka Qatar, balse ay dad badan la yaabeen, waxa ay ugu xilatay Qatar, kuna lumisay kalsoonida dalalkii xulufada soo jireenka ahaa sida Sucuudiga, Imaaraatka iyo Masar.
โXitaa booqashooyinkii madaxweyne Farmaajo iyo Raโisulwasaare Xasan Cali Kheyre ay ku tageen Riyadh iyo Dubai ma aysan soo hagaajin xiriirka xumaaday ee Soomaaliya iyo dalalkaasโ ayaa lagu yiri daraasadda Heritage, oo intaas ku dartay in Sucuudiga uu Soomaaliya dib ugu soo celiyay 27 kun oo ari ah, xilli lagu dhowyahay munaasabadda Ciidda Carafada oo xoolaha la qalo.
Waxaa xusid mudan in tallaabada Sucuudiga ay kusoo hagaagtay maalmo uun kadib markii dowladda Soomaaliya ay la safatay Sucuudiga markii ay is qabteen Canada, goโaankaas oo daraasadda ay ku tilmaamtay mid uu degdeg badan ka muuqday.
Tallooyin
Daraasadda waxaa lagu soo jeediyay tallooyin dhawr ah, waxaase ugu muhiimsan labo talo.
Tan koowaad waa in siyaasadda arrimaha dibedda lagu dhiso wax loogu yeeray โdublamaasiyadda ganacsigaโ taas oo ah in goโaamada lagu saleeyo hadba danaha ganacsi ee Soomaaliya.
Sucuudiga waxa ay dhoofsadaan inta badan xoolaha Soomaaliya, halka Imaaraatka uu yahay dalka ganacsiga ugu badan ay la leedahay Soomaaliya dalalka adduunka oo dhan.
Daraasadda ayaa waxaa lagu sheegay in dhanka kale Qatar aysan jirin wax la taaban karo oo ka dhaxeeya, sidaasi oo ay tahay saamayn badan ay ku yeelatay dowladda Soomaaliya.
Tallada labaad ayaa ah in inkasta oo dastuur ahaan dowladda dhexe xaq u leedahay dajinta siyaasadda arrimaha dibedda, haddane ay wanaagsanaan lahayd haddii ay la tashan lahayd dowlad goboleedyada iyo dadka kale ee saamiilayaasha dalka ah.