Mashquul Caawa ka jira xarunta CID-da & R/W Kheyre oo halkaa gaaray

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa howlwadeeno ka tirsan Dekadda Xamar oo maanta lagu xiray xarunta dambi baarista ee CID-da kuwaa oo lagu eedeeyay inay geesteen musuq.

Mas’uuliyiinta iyo Xubnaha la xiray ayaa caawa ku baryaaya xarunta dambi baarista ee CID-day waxaana halkaa caawa ka jira mashquul badan.

Xubnahaani oo lix ah kana tirsan waaxda Canshuuraha ee dekadda Muqdisho ayaa su’aalo lagu weydiinayaa xarunta waxaana halkaa ku sugan Taliyayaal iyo Saraakiil ciidan oo qeyb ka ah baarista lagu hayo mas’uuliyiinta iyo xubnaha u xirsan musuqa.

Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Xasan Cali kheyre ayaa sidoo kale caawa ku sugan xarunta dambi baarista ee CID-da oo halkaa kulamo kula qaadanaaya Taliyayaasha iyo Saraakiisha wada baarista.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa sidoo kale dhageysanaaya mas’uuliyiinta iyo xubnaha maanta loo xiray musuqa kuwaa oo lagu su’aalayo isla xarunta.

Wadooyinka gala Xarunta dambi baarista ee CID-da ayaa waxaa Caawa la dhigay Ciidamo ka kala tirsan Booliska iyo Koofi casta ilaalada u ah Ra’isul wasaare Xasan Kheyre.

Sidoo kale, Gawaari farabadan oo ay leeyihiin madax ka tirsan dowlada ayaa ku sii qul qulaya xarunta CIDA-da, iyada oo loo sababeynayo arrinta la xiriirta mas’uuliyiinta Gabaldhicii Caawa xaruntaas lagu xirey.

Geesta kale, mas’uuliyiinta la xirey ay maalmahaani waxaa baaris ku hayey xafiiska hanti dhowrka qaranka, balse maanta loo xiray musuqa kadib markii uu soo idlaaday dabagalka lagu hayay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com