27 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Akhriso: Liiska Xujeyda Soomaalida ee sanadkan ku geeriyootay Xajka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Jiddah (Caasimada Online)-Waxaa soo idlaaday gudashada acmaasha Xajda oo Malaayiin Muslimiin ah ay sanadkan guteen, waxaana lasoo sheegaya in halkaa ay ku geeriyooden dad Soomaali ah.

Dhimashada qaar ka mid ah xujeyda Soomaalida ee Sanadkaan iyo dhaawaca tiro kale ayaa timid kadib isbuurasho shalay ka dhacday Magalada Mina.

Laba Xujeyda Soomaaliyeed ka mid ah ayaa la xaqiijiyay inay ku dhimatay Magalada Mina.

Tiro kale ayaa ku dhaawacantay kadib markii ay shalay isbuurasho ka dhacday Mina, oo qiyaastii 5-KM u jirta magaalada barakaysan ee Makka.

Xujeydan geeriyootay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Xaaji Axmed Maxamed Saalax oo ku geeriyooday Buurta Carafa iyo Xaaji Xasan Maxamed Jimcaale oo ku geeriyooday Mina.

Dowlada Sacuudiga ayaa sheegtay in Laba qof oo Soomaali ah geeriyootay, iyagoo gudanaya waajibaadka Xajka, geeridooduna ay ka dhalatay isbuurasho ka dhacday Mina.

Sanad kasta ayaa waxaa jirta in ay dad ku dhintaan isbuurasho ka dhacda Xajka,waxaana dadkaasi ka mid noqda Soomaali ka mid ah dadka xajinaya.

Martida illaahay ee gudanaysa Xajka ayaa ku guda jira Jamraadka, maalmo ayaana uga harsan dhameystirka Acmaasha Xajka.

Caasimada Online

Xafiiska Jiddaha

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News