Muqdisho(Caasimada Online)- Isbadalka hoggaanka taliyeyaasha ciidamada gaar ahaan Nabadsugida oo dhawaan loo magacaabay taliye kuxigeenka NISA Fahad Yaasiin ayaa si weyn looga hadal hayaa magaalada Muqdisho.
Magacaabista Fahad Yaasiin ayaa lagu tilmaamay inay tahay mid wax badan ka badali doonta nidaamka iyo maamulka hay’adda nabadsugida iyo tan amaan ee magaalada Muqdisho.
Arrinta koowaad ee dadku rajada ka muujiyeen ayaa ah in amaanka magaalada noqon doona mid hagaagsan oo xasili doonta, si walba ha u maareeyee. tan labaad dhinaca maamulka ayaa sidoo kale isbadal laga filan karaa, iyadoo tusaale looga soo qaadan karo isbadalka uu ka sameeyay madaxtooyada Villa Somalia oo wax badan uu ka qabtay intii uu agaasimaha ka ahaa.
Dadka siyaasadda ka falceliya ayaa qaba in Fahad Yaasiin u adeegsan doono xasilinta amniga qibrada lagu yaqaan maadaama uu yahay nin siyaasadda dalka saameyn ku leh iyo in uu yahay nin galgal badan.
Sababaha isbadalka Muqdisho ee dhinaca amniga ugu dhalin karo Fahad Yaasiin ayaa suuragal in uu adeegsado awood dhaqaale iyo in uu soo xero geliyo, nabaddana qaataan kuwa falalka amni xumo iyo qaraxyada ka geysta magaalada Muqdisho.
Waxaa kaloo, suuragal ah in xiriirka caalamiga ah ee hay’adda NISA ka iibiyo sirdoonka dalalka qaarkood, oo xiligaan heerkii laga filaayay xiriirka caalamiga hoos u dhac weyn ka jiro.
Ugu danbeyntii, amaanka magaalada Muqdisho ayaa maalmahaan ahaa mid soo hagaagayay, inkastoo dilalka qorsheysan degmooyinka qaarkood ay ka dhacaan, laakiin wax qaraxyo ah aysan ka dhicin.
W/Qoray: Cali Muhiyaddiin
[email protected]
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]