26.6 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Madaxweynaha DDSI oo markii ugu horeysay soo saaray digniin culus

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Jigjiga (Caasimada Online) – Madaxweynaha DDSI Mustafe Cagjar ayaa markii ugu horeysay u digay Siyaasiyiinta iyo ciidamada kasoo jeeda dhulka Soomaalida ee xilalka ka haya maamulkiisa.

Mustafe Cagjar, waxa uu sheegay inuu u digaayo dhinacyadaasi waxa uuna tilmaamay in saldhig ay u noqon doonaan la xisaabtan.

Mustafe Cagjar, waxa uu sheegay in cidii lagu helaa waxyaabo khalad ku ah nidaamka uu mari doono ciqaab, waxa uuna ka digay in la baalmaro sharciga maamulka.

Waxa uu madaxweynaha carab dhabay inuu la socdo in dhibta ka dhacday deegaanka ay sabab u ahaayen Siyaasiyiin ka cabsi qabay in loo qabsado dambi ay galeen, hase yeeshee ay jiri doonto la xisaabtan.

Waxa uu sheegay in xiligaan uu si gaara ugu digayo Siyaasiyiinta, Saraakiisha iyo dhammaan ciidamada Liyuu boolis ee dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia, waxa uuna uga digay inay isku dayaan in loo adeegsado dhibaatooyin.

Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in looga baahan yahay inay ka feejignaadan,isla markaana amarada ka soo baxa maamulka deegaanka kaliya ay qaataan.

Waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray in dad wada boro bagaandada ee ku sugan gudaha deegaanka ay xili hore uga sii digayaan inay ka waantooban dhaqanadooda.

Dhinaca kale, shacabka DDSI ayuu ugu baaqay inay la Shaqeeyaan maamulka,isla markaana aysan dhageysan dadka waxyaabaha been abuurka ah u sheegaya.

Caasimada Online

Xafiiska Jigjiga

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News