Sawirro: Ra’isul wasaare Kheyre & Xasan Sheekh oo ku kulmay MUQDISHO (Maxay kawada hadleen)

Waxaa magaalada Muqdisho ku kulmay Madaxweynihii hore ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Kheyre ayaa hoygiisa ku booqday Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka dib ugu soo laabtay 18 Bil kadib oo uu ku maqnaa wadamada Turkiga iyo Tanzania oo ay labadiisa qoys ku kala nool yihiin.

Sawirran la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya Kheyre iyo Xasan Sheekh oo wada fadhiya, iyo iyagoo is gacan qaadaya, si ay farxadi ka muuqato, marka la ictimaado dhoola cadeyntooda.

Wali si faahfaahsan loogama hadlin waxyaabaha ay ka wada hadleen labada masuul, waxeyse dad ku dho dhow kulanka soo sheegayaan iney la xiriirtay oo kaliya is xog wareysi, ayna jiraan kulamo kale oo lagu balamay.

Kheyre, ayaa ka hor inta aan loo magacaabin Ra’iisul wasaarinimada Somaliya, waxa uu kamid ahaa dadka ugu dhodhow Madaxweyne Xasan Sheekh, waxeyna dadka qaar ku sheegeen inuu ahaa ruuxa labaad ee ay ufurnaayeen Albaabada Xafiiskii Xasan sheekh, marka laga reebo Faarax Sheekh C/Qaadir, iyadoo dadka qaarna kaalinta koowaad Kheyre keena.