26.6 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Falcao: Meelna uma socdo ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka.

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Chelsea ayaa kasii fogaaneysa saxiixa weeraryahanka kooxda Atletico Madrid Radamel Falcao xilli uu sheegay inuu doonayo inuu ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka kusii nagaado Spain.

26-jirkaan heerka caalami ee dalka Colombia ayaa ah weeraryahan aad u wanaagsan maxaxweynaha kooxda ka dhisan caasimada Isbaanishka Enrique Cerezo ayaana sheegay inay ceshan doonaan xidigaan aadka loo qiimeeyo.

Milkiilaha Chelsea Roman Abramovich aya doonayey inuu xidigaan kusoo iibsado 48 milyan oo ginni si uu ugu dhiso weerarka kooxdiisa xilli uu waayo fiican ku qaadanayo Estadio Vicente Calderon.

Falcao ayaa u sheegay saxaafada: “Aad ayaan ugu mahad naqayaa madaxweyne Enrique Cerezo kaasoo ii ogolaaday inaan sii joogo kooxdaan.

“Waxaana u maleynayaa inaan wax fiican ka sameynay kubada cagta. Waxaan taas ka rajeyneynaa inaan baaqi kusii ahaado ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka.”

Hadalka Falcao micnihiisa ayaa ah inay Chelsea ka fikirto qorshaha ah, inay weerarkeeda ku kabto xidiga kooxda Barcelona David Villa. Blues ayaana isku deyi doonta inay amaah ku hesho iyadoo uu tababare Rafael Benitez doonayo inuu ku kabo xidiga ay isku wadanka yihiin ee Fernando Torres.

- Advertisement -

Read more

Local News