25 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Aqalka Sare oo diiday ka qeybgalka furitaanka kal fadhiga afaraad ee BF

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdiaho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ay diideen in ay ka qeyb galaan Furitaanka kala Fadhiga Afraad ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Kal fadhiga ka qeybgalkiisa ay diideen Xildhibaanada ayaa hadda Munaasabadiisa ay ka socota xarunta Booliska ee Generaal Kaahiye.

Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in dib loo dhigay furitaanka kalafadhiga Aqalka Sare, islamarkaana maalinta Berri ah furi doonaan.

Sidoo kale, Xildhibaanada waxa ay sheegeen in aysan qeyb ka aheyn furitaanka maanta ee Baarlamaanka ee Soomaaliya ee dugsiga Generaal Kaahiye.

Docda kale, Sanoterada weli masheegin sababta rasmiga ah oo ay u qaadaceen furitaanka Kulanka Baarlamaanka labada aqal oo Maanta lagu waday in si wadajir ah u furmaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News