Farmaajo: Xukuumadda Kheyre waxay keentay guul weyn oo dowlada hadda ay uga duwan tahay kuwi hore

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa bogaadiyay waxqabadka xukuumdda Ra’isalwasaare Xasan Cali Kheyre.

Madaxweynaha oo shir guddoomiyay Kulanka Golaha Wasiirrada ayaa lagu soo bandhigay qorshihii aas aaska u ahaa ololohii doorashada Madaxweynaha ee ay Xukuumadda fulisay.

Ra’isalwasaare iyo mas’uuliyiin loo xil saaray in ay jeediyaan waxqabadka ayaa shirka ka sheegay in si wanaagsan loo maareeyay afar qodob oo kala ah; siyaasadda loo dhanyahay,amaanka,dhaqaalaha, iyo horumarinta Bulshada.

Madaxweyne Farmaajo oo u mahad celiyay Xukuumadda  ayaa sheegay in guushaasi ay ku timid sida uu sheegay xasillooni siyaasadeed oo uu sheegay in dowladdiisa ay uga duwantahay dowladihii ka horreeyay.

Waxaa uu xusay in khaladaadka dhici jiray dowladihii hore oo ay ka mid tahay khilaafka Ra’isalwasaaraha iyo Madaxweynaha ay dowladdiisa ka badbaadday keentayna horumarka maanta la gaaray oo uu ka mid tahay in Soomaaliya laga cafinayo deymaha.

Ra’isalwasaare Kheyre ayaa sheegay in dhamaan qorshihii loo xilsaaray markii uu talada qabanayay ay ka soo baxeen Golaha Wasiirrada isaga oo ballan qaaday in dhawaan la gaarayo in Madaxweynaha uu xafiiskiisa kala socon doono howlaha Wasaaradaha kala duwan ee dowladda.

Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in markii uu xafiiska imanayay ay 20 wasaaradood iyo toban Hay’adood qaadayeen Dakhliga maantana ay jirto kaliya hal wasaarad oo dakhliga ururisa islamarkaana bixisa,taasina ay ka mid tahay horumarka ay xukuumaddiisu gaartay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com