Dilka Jamal Khashoggi oo khilaaf ka dhex abuuray boqortooyada Sacuudiga

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Tamarta iyo shidaalka xukuumada Sacuudiga Khalid Al-Falih oo ka hadlayay furitaanka shirka Maalgashiga mustaqbalka, ayaa sheegay inay ogsoon yihiin inay ku jiran maalmo adag, isla markaana ay ku dhex jiraan xiisada ka dhalatay dilka Suxufi Jamal Khashoggi.

Wasiirka waxa uu carabka ku dhuftay in aan qiil loo heli Karin dilka Saxafiga Jamal Khashoggi, waxa uuna ku celcelshay in dilka uu abuuray khilaaf.

Wasiir Khalid Al-Falih,waxa uu tilmaamay inay rajeynayan in xal ay u helaan waxyaabaha ka dhashay dilka Jamal Kashoggi oo uu sheegay inay leeyihiin miisaan.

Sidoo kale, Wasiir Khalid Al-Falih waxa uu shirka ka cadeeyay in dowlada Sacuudiga ay weysay xubno badan oo la sugaayay inay ka qeybgalan shirka taa oo ugu wacan dilka Suxufiga.

Khilaafka uu Wasiirka sheegay xoogiisa ayaa u dhexeeya Madaxtooyada Sacuudiga iyo Hay’adda Sirdoonka dalkaasi oo laheyd fulinta dilka Jamal Khashoggi.

Hadalkiisa ayaa waxa uu kusoo beegmay iyadoo inta badan dalalka hormaray ay dilka Jamal Kashoggi ku eedeeyen dowlada Sacuudiga iyadoo qaadacay shirka ka socda caasimada Sacuudiga ee Riyadh.

Xigasho: Daily Monitor