25.5 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Ahlu-Suna iyo Galmudug oo la isku darayo dhisayana dowlad goboleed

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Warar nasoo gaaray ayaa waxa ay sheegayaan in Wafdi ay hogaaminayeen Hogaamiyayaasha Sare ee Maamulka Ahlu Suna Waljameeca ay maanta gaareen Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug. 

Ujeedka Safarka wafdigan ay ku gaareen gaalkacyo ayaa waxa lagu micneeyay inuu qeyb ka yahay qorshe xoogaan oo socda oo la doonayo in la isugu daro Maamuladda Ahlu -Suna iyo Galmudug. 

Hogaamiyayaasha Ahlu suna ayaa magaalada Gaalkacyo kula kulmay Cabdi Qeybdiid oo ah Madaxweynaha Galmudug.

Kadib kullanka ayaa waxaa la magacaabay Xubno kuwaasi oo soo falanqeyn doona waxyaabihii laga hadlay iyo suurtagalnimada sidii loo magacaabi lahaa Maamul ay ku mideysan yihiin labadaasi Maamul. 

Waxaa la sheegaya in maamulkaasi hadii uu dhismo in uu ka aramin doono gobollada Mudug iyo Galgaduud.

- Advertisement -

Read more

Local News