Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ka hor-yimid go’aanadii shirka Garowe

Garoowe (Caasimadda Online) – Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakiin Xaaji Cumar (Camey) ayaa ka hadlay khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada, isagoo ka hor yimid go’aanadii maamul Goboleedyada ee shirkii Garowe.

C/xakiin Camey ayaa madaxda maamul Goboleedyada dusha u saray inay sabab u yihiin khilaafka kala dhaxeeya dowladda Federaalka, isagoo sheegay in wixii ka soo baxay Shirkii Garowe uu ahaa go’aano aan laga fiirsan.

“Go’aamaadasi waxaan u arkaa riyo maalmeed aan suuragal ahayn, qof kastoo Soomaali ah wuu la yaabay, iyagana uma aha suuragal, dalkana suuragal kama aha, khaladka waa loo wada jeedaa wuxuu ahaa go’aan aan laga fiirsan…” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Puntland oo wareysi siiyey mid ka mida idaacadaha Muqdisho.

C/xakiin Camey ayaa hambalyo u diray Saraakiisha ciidamada iyo Culimada Puntalnd oo ka hor yimid go’aanadii maamul Goboleedyada ku gaareen magaalada Garowe, wuxuuna sidoo kale hambalyo u diray Madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Axmed Shaakir oo soo dhoweeyay baaqii madaxweyne Farmaajo.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com