25.7 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Ciidamada Puntland ee ku sugan Tukeraq oo mushaar la’aan ka cabanaya & Gaas oo dagaal siyaasadeed…

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo Gobalka Sool ayaa sheegaya in Ciidamada Puntland ee ku sugnaa deegaanka Tukeraq ay saakay ka baxeen deegaankaasi, kadib markii Mushaar la’aan ay soo wajahday.

Qaar ka mid ah Ciidamada  ayaa sheegay inay ka cabanayaan mushahar la’aan muddo saddex bilood ah sida ay sheegeen.

Madaxda Maamulka Puntland ayaa waxaa ay ka codsadeen in wax laga qabto cabashadooda, iyadoona xalinta arintan ay ku howlan yihiin Saraakiisha Puntland.

Saraakiisha arintan ku howlan ayaa waxaa ka mid ah Taliyaha cusub ee ciidanka Daraawiishta Maamulka  Puntland Cabdi shukri Cabdullahi Xuseen iyo Saraakiil  kale, iyagoona ciidamada ka dhaadhicinayaan in ay dib ugu laabtaan difaacooda.

Subaxnimadii hore ee saaka ayay aheyd markii ciidamadan ay  ka soo baxeen jiidaha hore  dagaalka ee deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool oo ay mudooyinkii ugu dambeeyey ay joogeen.

Puntland ayaa la sheegayaa in dhaqaalo badan ay ku bixiso ciidamada ku sugan Deegaanka Tukeraq ee Gobalka Sool.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News