Nin Soomaali ah oo ‘weerar argagixiso ah’ maanta ka fuliyey wadanka Australia

Melbourne (Caasimada Online) – Nin Soomaali ahaa ayaa weerar mindiyeyn oo la tuhunsan yahay inuu yahay fal argagixiso ka fuliyey magaalada Melbourne ee dalka Australia, halkaasi oo uu qof ku dilay laba kalena ku dhaawacay.

Weerarka ayaa billowday 4:00 PM, markii ninka weerarka soo qaaday uu baabuur soo dhigtay banaanka meel laga dukaameysto. Waxaa kadib dab uu ka kacay baabuurkiisa, wuxuuna bilaabay inuu dadka mindi ku weeraro.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in laba qarax ay ka maqleen baabuurka.

Madaxa booliska Victoria, Graham Ashton ayaa sidoo kale sheegay in ninka uu isku dayey inuu weeraro booliskii kusoo baxay dhacdada, kuwaas oo isagii toogasho ku dilay.

Ashton ayaa sheegay in ninkan uu muddo ahaa qof ay isha ku hayaan sirdoonka dalka Australia.

“Waxaan ficilkan u aragnaa mid argagixiso” waxaa sidaas yiri Ashton.

Ninkan Soomaaliga ah, oo aan weli magaciisa la shaacin ayaa dalka Australia yimid sanadihii sagaashamaadkii, oo uu kasoo qaxay dalka Soomaaliya.

Dhacdadan ayaa waxaa weli ku socda baaritaan, waana idinla soo socod siin doonaa wixii kusoo kordha, insha allah.

Caasimada Online
Xafiiska Sydney
Caasimada@live.com