27.4 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Mareykanka oo 2 nin oo jooga Somalia ku raadinaya $10 milyan + Magacyada

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) Dowladda Mareykanka ayaa yaboohday 10 milyan oo dollar oo la siinayo qofkii soo qabta laba nin oo ah baxsad, kuwaasi oo sanaddii 2008 lagu helay dambi ah inay dileen diblomaasi Mareykan ah iyo darawalkiisa oo Sudan ahaa.

John Granville oo u shaqeynayay hay’adda USAID iyo darawalkiisa Cabdulrahman Cabas Rahama oo ahaa shaqaale ka tirsan USAID, ayaa u geeriyooday xabado madaxa looga dhuftay maalinkii sanadka cusub ee 2008, ayaga oo jooga magaalada Khartoum.

Waaxda Arrimaha dibedda Mareykanka ayaa ku yaboohday min shan milyan oo dollar madaxdyada Cabdulbasid Alxaj Alxasan Xaji Xamad iyo Maxamed Makawi Ibrahim Maxamed.

Makawi ayaa ahaa hogaamiyaha weerarka, halka Cabdulbasid uu ka ahaa toogtaha labaad.

Labada ninba waa ay baxsadeen, waxaana la tuhmayaa inay ku dhuumaaleysanayaan Somalia, kadib markii ay xabsi ka baxsadeen sanaddii 2010.

Laba nin oo kale oo shirqoolka la maleegay ayaa sanaddii 2009 dambi lagu helay, hase yeeshee waa ay baxsadeen. Mid ka mid ah ayaa la sheegay in lagu dilay Somalia bishii May ee 2011.

Xafiiska Wararka Caasimada Online

Minneapolis, Minnesota, USA

- Advertisement -

Read more

Local News