‘Donald Trump oo si lama filaan ah dhabarka uga toogtay dowladda Israel’

Tel Aviv (Caasimada Online) – Go’aanka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ciidamadiisa kaga saarayo Syria, waxa uu dhabarjab lama filaan ah ku yahay Israel, waxaa sidaas sheegay falanqeeyayaasha siyaasadeeda ee Yahuudda.

Trump ayaa arbacadii – Isaga oo sheegaya inuu guul ka gaaray Daacish – Waxa uu ku dhawaaqay in ciidamada Mareykanka uu kasoo saarayo dalka dagaallada ay halakeeyeen ee Syria.

Xeel-dheerayaasha Israel, oo warbaahinta Yahuuda ay soo xigtay, ayaa sheegay in tallaabada Trump ay naxdin ku noqotay xukuumadda Tel Aviv.

Wargeyska luuqadda Hebew-ga wax ku qoray Yedioth Ahronoth ayaa qoray warbixin uu cinwaan uga dhigay: Carada bixitaanka Trump: Guul usoo hoyatay Iran, iyo guuldarro ku dhacday Israel.

Wargeyska Israel Today oo aad ugu dhow ra’iisul wasaare Netanyahu ayaa go’aanka Trump ku qeexay “Qalad musiibo ah.”

Eran Lerman oo ah madaxweyne ku xigeenka machadka daraasaadka istaraatiijiyadda ee Jerusalem, horeyna u ahaa taliyaha ciidamada Israel ayaa sheegay go’aanka Trump “musiibo kuma noqon doono Israel kaliya, balse wuxuu saameyn doonaa xulufada Mareykanka, oo ay tahay inay kaligood wajahaan Syria, Iran iyo Russia.”

Wargeyska Haaretz ayaa isna qoray in go’aanka uu horseedi doono saameyn ballaaran oo Iran iyo Russia ay ku yeeshaan Syria iyo guud ahaan bariga dhexe.

Wuxuu wargeyska yiri “Liiska dalalka go’aankan uu walaacin doona waxaa ka mid ah Israel, Kurdish-ka, Jordan iyo Saudi Arabia”

Caasimada Online
Xafiiiska Qaahira
caasimada@live.com