25.3 C
Mogadishu
Wednesday, July 16, 2025

Video: Dhacdo cajiib ah oo ka dhacday Gaalkacyo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacy (Caasimada Online) – Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa waxaa aad looga hadal hayaa dhacdo cajiib aheyd kadib markii mid kamid ah dhalinyarada ka shaqeeya shirkadaha Korontada uu badbaadin sameeyay.

Muuqaal lagu baahiyay baraha Bulshada ayaa ahaa ruux dhalinyaro ah oo ka shaqeeyan Korontada oo badbaadinaya shimbir ay qabsatay korontada baale ay saarneyd, waxaana aad loo hadal hayaa dhacdada.

Wiilka dhalinyarada ayaa arkay korontada oo ku dhagan Shimbirta yar, iyadoo shimbiro kale gurmad ahaan ay ula joogaan, balse aysan waxba u qaban karin.

“Shimbirta waxaa lugaha uga Xirnaa Xarig, waxaana qabsatay Fiilo ku xirneyd birta Balse aan Koronto laheyn, Dadkuna waxa ay ku baraarugeen Shimbiro hal mar Hawada Birta Qabsaday, taas oo ku dhalisay inay Hubsadaan sababta ay isigu soo urureen Shimbiruhu” ayuu yiri Maxamed Cabdullaah oo kamid ahaa Dhalinyaradii Goobjooga u ahaa Dhacdadan oo u waramayey warbaahinta.

“Muddo illaa 10 Daqiiqo ah ayaa Korontada laga jaray Agagaarkeena si loo Bad-baadiyo Shimbirta oo ay heysatay Xaalad adag, waxaan aad ugu faraxsanahay inaan qeyb ka ahaa kuwii u danqadey shimbirta eek a shaqeeyay inay hesho Gurmad lagu bad-baadinayo”.

 

- Advertisement -

Read more

Local News