25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Arag Sawirro: Wasiir Beyle oo qorshe culus hor-dhigay shirka ka furmay Beirut

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Beirut (Caasimada Online) – Shirka ka furmay Magaalada Beyruut ee Caasimadda Dalka Lubnaan waxaa looga hadlayay sidii Sanduuqa Jaamacadda loogu furi lahaa Falastiin iyo Deyn Cafinta Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ka jeediyay khudbad uu kaga hadlayo Hormarka Maaliyadeed ee Dalka.

Sidoo kale waxaa berri furmaya shirka guud ee Jaamacadda Carabta kaa oo lasoo gaba-gabeyn doono Maalinta Axadda oo ku beegan 20-ka Janaayo.

Waxaa sidoo kale looga hadlayaa Ammaanka, Dhaqaalaha iyo isbadal lagu sameynayo Xubno katirsan Ururka.

Madaxda ayaa falanqeyn doonto Waxyaabaha kasoo baxay shirkii maanta ka dhacay Beyruut ee u dhaxeeyay Wasiirada dalalka Xubnaha ka ah Ururkaan.

Marka lasoo gaba-gabeeyo shirka waxaa la filayaa in laga soo saaro warmurtiyeed ku xusan Ajendayaasha fadhiga oo ay ku jirto deyn Cafinta Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wado qorshe ay u mareyso shuruudo lahor dhigay si looga daafo Deynta lagu leeyahay Muddo fog.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo isna ka qaybgalay kulanka Wasiirada Dalalka ku jira Ururka Jaamacadda Carabta waxa uu ka hadlay Xaaladda Soomaaliya.

Wasiirada Arrimaha Dibadda iyo Maaliyadda Soomaaliya ayaa Kulamo gaar gaar ah Caawa la qaadanaya Wasiirada ka qayb galay kulanka.

- Advertisement -

Read more

Local News