Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa goor dhow soo saaraysa qoraal ay uga jawaabeyso go’aankii dowladda Kenya, oo ay ugu talo-gashay shacabka iyo warbaahinta, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online.
Qoraal goor-dhow ay baahisay warbaahinta, oo ay Caasimada Online ku jirto, islamarkaana kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda, ayaa la sheegay inuu ahaa qoraal loogu talo-galay dowladda Kenya oo kaliya.
Qoraalkaas ayaa waxaa la gaarsiiyey safaaradda Kenya ee Muqdisho, waxaana sida ku cad saaran caalamadda Received (La-qabtay), hase yeeshee durba waxay u dusiyeen warbaahinta, sida ay noo sheegeen ilo-wareedyo ka tirsan dowladda. Halkan ka arag qoraalkaas.
Ilaa hadda ma cadda sababta ay Kenya u dusisay qoraal gaar ahaa oo loogu talo-galay, hase yeeshee qoraal kale ayaa soo bixi doona goor-dhow. Ha ka fogaan Caasimada Onlinbe.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

