25.7 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Somaliland: Mas’uuliyiin musuq-maasuq lagu helay oo xabsiga loo dirayo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) ― Warar ay helayso Caasimada Online ayaa sheegaya in Masuuliyiin ka tirsan Somaliland, oo isugu jira Wasiiro, Agaasimayaal guud iyo agaasime waaxeedyo wasaarado kala duwan ah loo gudbiyey Xafiiska Xeer ilaalinta guud ee qaranka kuwaas oo lagu helay falal musuq maasuq oo ay ku kaceen.

Masuuliyiintan ayey tiradoodu tahay 8-masuul, kuwaasi oo Madaxweynaha Somaliland ku amray xafiiska hanti-dhawraha inuu waajibkiisa ka guto taas oo keentay in loo gudbiyo xeer ilaalinta guud  oo iyagu u xilsaaran sifaha sharci ee loo marayo masuuliyiintaasi.

Inkasta oo aysan jirin ilaa hadda war rasmi ah oo ilaa hadda kasoo baxay Hay’ada Hanti-dhawrka Qaranka iyo Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Somaliland midna, haddana waxa jira ilo xog-ogaal ah oo u dhuun daloola arrintan oo Caasimada Online u cadeeyey in Tirada masuuliyiintaasi tahay ilaa 8 qof oo ay hadda magacyadooda iyo cadaymaha falalka musuq-maasuq ee loo haystaaba hor-yaalaan Xafiiska xeer ilaaliyaha guud.

Xafiiska ayaa laga war-sugayaa maalmaha soo socda, maadaama uu Madaxweyne Biixi safar kaga maqnaa markii hore in uu ugudbiyo warqada xasaanad ka qaadista masuuliyiintaasi, talaabada kale ee taas ku xigtaana ay noqon doonto in xabsiga loo taxaabo.

Xukuumada Muuse Biixi ayaa dagaal xoogan kula jirta falalka Musuq-maasuq ee noocan ah kaasi oo labaatankii sano ee u danbeeyey ragaadiyey Somaliland, haddii laga midho dhaliyo qorshahan noocana waxa ay aaminsanyihiin dadka aqoonta u leh siyaasada ee falanqeeya arrimaha dawladuhu  in ay tahay Talaabooyin dhiirigalinaya dhismaha dawladanimada oo horseedi kara horumar dowladnimo.

Isku soo wada duubo Dadweynaha Somaliland ayaa aad ugu dheg-taagaya talaabada tan xigta ee Xafiiska xeer ilaalintu ka qaadayo magacyada masuuliyiintaasi loo gudbiyey.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News