25.9 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Xiisad ka dhex-qaraxaay ciidamada Soomaalida iyo kuwa Kenya iyo sababta

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Ceelwaaq (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in xiisad u dhaxeysa ciidamada dowladda Soomaaliya iyo ciidamada Kenya ay ka taagan tahay degmadaasi.

Guddoomiyaha degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo Sahal Macalin Aadan oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in xiisadda ay ka dambeysay kadib markii ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland oo isku dhinac ay ka hor yimaadeen saldhig ciidamada dowladda dhawaan ka sameysteen Degmadaasi.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in marka hore ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland ay ka dalbadeen inay siiyaan saldhig ay degaan ciidamada dowladda Soomaaliya, balse markii la siiyay kadib lagu amray inay isaga guuraan degmada Ceelwaaq.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ciidamada Kenya aysan dooneyn in ciidamada dowladda ay ku sugnaadaan saldhiga ay ku leeyihiin degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, taasina ay ka dhalatay xiisadda ka taagan degmada.

Gudoomiye Sahal ayaa sheegay in Degmada Ceelwaaq ay qarka u saaran tahay in ay ku dagaalamaan Ciidamada Kenya ee la socda kuwa Maamulka Jubbaland oo dhinac ah iyo Ciidanka Dowladda ee Degmada Ku sugan.

Masuuliyadda xiisadda ka taagan degmada iyo waxyaabaha ka dhaca ayuu sheegay inay qaadayaan ciidamada dowladda Kenya ee kusugan degmada Ceelwaaq oo la saftay ciidamada Jubbaland.

Ciidamada Kenya ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay ka baxay saldhigyo militari oo ay ku lahaayeen qaybo kamid ah Gobolka Gedo, waxa ay sidoo kale dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wadaan degmooyin kale oo katirsan Gobolka Gedo.

Caasimada Online
Xafiiska Gedo
[email protected]
- Advertisement -

Read more

Local News