28.9 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Mahad Salaad: Madaxda DF waxay astaan u yihiin dhowaanshaha qiyaamaha

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa mar kale weerar ku qaaday madaxda ugu sarreysay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, xilli ammaanka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho uu sii xumaanayo.

Toddobaadyadii ugu dambeeyey ayaa waxaa magaalada qaraxyada ay uga dhacayeen si maalinle ah, ayada oo mararka qaar ay dhowr qarax dhacayeen hal maalin.

Mahad Salaad, oo soo qaatay xadiis laga weriyey suubanaha nabad-galyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee, ayaa sheegay in madaxda hadda jirta ay lumiyeen amaanadii loo dhiibtay, taasi ay astaan u tahay in qiyaamaha uu dhow yahay, sida xadiisku sheegay.

Mahad Salaad ayaa yiri “Rasuulkeena NNKH markii uu ka hadlayay astaamaha lagu garto saacadda qiyaame wuxuu yiri: Hadii amaanadu lunto suga maalinta qiyaame. Waxaa la waydiiyay RASUULKII ALLOW sidee ayay u lumaysaa: Wuxuu yiri markii qofka loo dhiibo mas’uuliyad uusan aqoonteeda lahayn suga maalinta qiyaame!”

“Haddaba, waxaa iswaydiin mudan dadka noo haya mas’uuliyada amniga ma yihiin kuwii ku haboonaa marxalada maanta aan kujirno?!” ayuu yiri Mahad Salaad.

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka mid ah xidlhibaanada sida ugu darran u mucaarado xukuumadda talada haysa, inta badanna ka fal-celiya dhacdooyinka ka dhaca dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]  

- Advertisement -

Read more

Local News